Ra’iisal Wasaare Xamse oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay ka qeyb qaadashada gurmadka abaaraha

Muqdisho (WDN) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qeybgalay munaasabad xukuumadda cusub lagu taageerayey oo ay soo abaabuleen bulshada gobolka Banaadir, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ka qeyb qaadashada gurmadka xukuumadda ay waddo ee loogu gurmanayo dadka abaaruhu saameeyeen.

Md. Xamse ayaa sheegay in la joogo waqtigii ugu haboonaa ee ummada Soomaaliyeed gacmaha is qabansan lahaayeen, isla markaana walaalahooda abaaruhu hayaan ay gacan walaaltinimo u fidiyaan si looga gudbo mixnadaan umadda haysata.

Dhanka kale xamse ayaa balanqaadey in xukuumadiisu ay la imaan doonto waxqabad xooggan oo guud umadda Soomaaliyeed dareemi doonaan, taa badalkeeda bulshada looga baahanyahay in ay wada shaqayn u muujiyaan hay’addaha kala duwan ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumadda ay wax badan ka qaban doonto sugidda amniga iyo xoreynya deegaanada ka maqan gacanta dawladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cumar Aadan
Wardheernews, Muqdisho