Ra’iisal Wasaare Saacid oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Ra’iisal Wasaare Saacid oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

IMG_6357Axad, 14, Abril, 2013..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafti uu hogaaminayo oo maalmihii ugu danbeeyey booqashooyin ku marayey dalalka dariska ah, ayaa saaka dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay waftigiisa ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka Gaashaandhigga Md. Cabdixakiin Xaaji Fiqi, ayaa si weyn loogu soo dhaweyey garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafadda kula hadlay garoonka, ayaa ka war bixiyey safarkiisa, isagoona sheegay inuu si guul ah ku soo dhammaaday, dhammaan waddamadii ay tageenna ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka ka dhaxeeya.

Waxaan safar shaqo ah oo dheer ku soo bixinay dhawr waddan oo ka mid ah  waddamada ay ciiddamadu ka joogaan Soomaaliya, waxaana ka wadahadalnay dhinacyada ammaanka, la dagaalanka argagaxisada iyo iskaashiga dhanka siyaasadda “ ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid oo dhinaca kale sheegay in uu kala kulmay waddamadii uu soo maray soo dhaweyn aad u balaaran.

IMG_6383Safarka uu ku tagay Ra’iisul Wasaaraha waddamada dariska ah wuxuu qayb ka yahay dadaalka ay dawladda Soomaaliya ugu jirto sidii ay ula samayn lahayd xariir  wanaagsan oo dhan kasta ah waddamada dariska ah,  wuxuuna uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaruhu dalalkii uu booqday oo dhammaantood ciiddamo faro badan ay ka joogaan gudaha Soomaaliya sida ay ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed, una garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay cagaheeda isugu taagi lahayd.

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.