Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ra’iisal Wasaare Rooble oo soo gaadhay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxda Dowlad Gobolleedka Galmudug masuuliyiin iyo dadweyne kale.

RW Roobel oo gaadhay Dhuusamareeb

Safarkan uu ku yimid Ra’iisul Wasaare Rooble magaalada Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayay Dowlad Gobolleedyada oo diirradda lagu saarayay wadashaqeynta iskaashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inta uu joogo deegaannada Galmudug inuu latashiyo kala duwan la sameynayo madxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loogu kaabo dowlad dhisidda iyo adkeynta isku xirka hay’adaha federaalka iy dowlad gobolleedka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey, waxuna sheegay in Xukuumaddiisu ahmiyadda koowaad siinayo sidii bulshada loogu dhaweyn lahaa dowladnimada.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.