Ra’iisal Wasaare Kheyre oo aanay u suurte gelin in uu ku beryo Waqooyiga Gaalkacyo, Puntland

Gaalkacyo (WDN)- Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Kheyre, oo maanta gelinkii dambe soo gaadhay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, ay ka dhasheen is faham waa masuuliyiinta Puntland, taasi oo keentay in Puntland u diido in uu ku beryo Guriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.

RW Kheyre

Arinka diidmada Puntland, ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay ka gadaal markii masuuliyiinta Puntland, ee la kulmay Kheyre, uu u sheegay in uu rabo oo kaliya in uu booqdo Garoonka Kubbada Cagta oo uu dadka kula hadlo. Masuuliyiinta Puntland, oo ay k amid ahaayeen Wasiiro, kuwaasi oo ugu tagay Md. Kheyre Koonfurt Gaalkacyo, ayaa u sheegay, in ay haboon tahy in si aan laheyn isku soo bax iyo damaashaad, uu ula kulmo bulshada kala gedisan ee Puntland.

Kadib wadahadal dhexmaray Kheyre iyo masuuliyiintaasi, waxaa la isku af garan waayay qaabkii uu ku iman lahaa Kheyre Gaalkacyo, Puntland, isaga oo doorbiday kuna adkeystay in loo soo baxo, oo uu dadka la hadlo, ka gadaalna uu beryo caawa Madaxtooyada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya, in markii la isku af garan waayay qaabkii, ay masuuliyiinta Puntland goosteen in aysan ku marti gelin Kheyre Guriga Madaxtooyada Puntland, uuna ku noqdo Koonfurta Gaalkacyo.

Mudane Kheyre, ayaa markaasi qaar ka mid ah shacabka  Puntland, kula kulmay Garoonka Kubadda Cagate ee Gaalkacyo, isla markaana rabay ka dib in uu ku negaado caawa magaalada Gaalkacyo, Puntland, balse Dowladda Puntland ayaa u diidday arinkaasi.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa markii dambe dib ugu laabtay Koonfurta magaalada Gaalkacyo, halkaas oo labadii maalmood ee la so dhaafy uu ku sugnaa.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’iisal Wasaare Kheyre, uu aad iskuga dayay in uu ku negaado caawa magaalada Gaalkacyo, Puntland, isaga oo gorgotan xooggan galay.

Madaxweyne Dani, ayaa sidoo kale la sheegay in uu ka gaabsaday, la kulanka iyo soo dhaweynta Ra’iisal wasaare Kheyre.

Arinkan ayaa ku noqday waji gabax Md. Kheyre, oo lagu yaqaan qof jecel in loo soo baxo oo la buunbuuniyo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in arinkan uu dib u abuuro colaadda iyo dagaalada sokeeye oo ka dhaca Gaalkacyo, oo beryahan dambe nabad iyo xasilooni ka jirtay.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.