Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Md. Abiy Axmed oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho

Muqdisho (WDN) Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Md. Abiy Axmed ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Wafddiga Raiisal Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Dibadda iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Md. Abiy Axmed markii uu dhawaan la  wareegay xukunka dalka Itoobiya bishi  Abril 2, ka gadaal markii uu si lama filaan ah xilka iskaga casilay Ra’iisal Wasaarihi hore Md. Hailemariam Desalegn bishii Febraayo 15, ayaa booqashooyin ku kala bixinayay dhamaan wadamada Itoobiya ay dariska la tahay iyo dalka Masar, oo xurguf xagga biyaha wabiga Niil ay ka dhaxayso.

Itoobiya ayaa ciidmao badani ka joogan  qeybo badan oo ka mid gobolada Soomaaliya, waxaana la filayaa in wadahadalada labada dal ee Soomaaliya iyo itoobiya ay u badnaan doonaan kuwa la xidhiidha dhinaca Amniga.

Md. Aiy Axmed oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa booqashadani Soomaaliya ay ku soo beegamaysaa wakhti ay dagaalo xumo ay ka dhex socdaan qowmaiayda Oromada iyo Soomaalida. Wali lama hubo in wadahadadada Muqdisho ay qeyb ka noqon doonaan dagaaladaaasi.

WardheerNews