Ra’iisal Wasaaraha DFS oo Wasiirro cusub magacaabay

Muqdisho-(WDN)- Ra’iisul Wasaaraha DFS Md. Xasan Cali Kheyre, ayaa magacaabay wasiirro cusub, isagoo xilka ka qaaday wassiiro, islamarkaana buuxiyay wasaaraddo banaannaa.

RW Kheyre and M/Weyne Cabdiwali, Garowe, Puntland

Saddex a qodob ayaa muhiim ka ah isbadelka wasiiradda ee RW Khayre.

1) Wasiiradda la badalay waxaa ka mid ah Wasiirkii Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Dr. Cabdiraman Maxamed Cabdi, iyadoo wararku sheegayaan in badalaadiisa uu ku lug leeyahay M/weynaha Puntland Md. Cabdiwali Gaas, oo uu Md.Cadiraxmaan ka joojiyay, islamarkaana uu caqabad ku noqday Kaluumaysi sharci darro ah, oo uu qeyb ka  yahay  M/weyne Cabdiwali Gaas

2) Waxa kale oo Golaha Wasiiradda ku soo biiray Goodax Barre, oo ol’ole  xooggan iyo taageero baladhan ugu jiray DFS, si markaasi uu uga mid noqdo. Goodax ayaa lagu xasuustaa in uu safka hore kaga jiray dagaalkii lagu riday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Md. Maxamed Cusmaan Jawaari.

3) DFS ayaa hadda Goleheeda Wasiiraddu u badan yihiin ama ay aad uga dhex muuqdaan Xildhibaano, looga gol leeyahay in aan wax xisaabtan ah aan laga keenin Dowladda uu majaraha u hayo Md. Fahad Yaasiin.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta u akhriyay wasiirrada cusub ee ku soo biiray Golahiisa Wasiiradda ayaa kala ah:

Mudane; C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Mudane; Sheekh Nuur Maxamed Xasan , Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta.

Mudane; Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, Wasiirka xannaanada Xoolaha.

Mudane; C/llaahi Bidhaan Warsame, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Mudane; C/qaadir Sheekh Cali Baqdaaddi, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.

Mudane; Shawaqar Ibraahim Cabdalla; wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Wasiirrada cusub ee la Magacaabay ayaa la faray in ay si deg-deg ah ula wareegaan xilkooda, waxana wareegtadani lagu Magacaabay wasiirrada ay kusoo bixi doontaa faafinta rasmiga ah ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

WardheerNews