Ra’iisal Wasaaraha DFS oo ku gacan seydhay ka qeyb galka dhagaxdhigga Dekedda Garacad

Garoowe (WDN)- Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Cali Kheyre, ayaa la sheegay in uu ku gacan seydhey ka qeyb galka xaflad loo agaasimay dhagax dhigga dekedda Garacad, ee degmada Jariiban, oo ku taala gobolka Mudug, ee xeebta Badweynta Hindiya ee maamul Goboleedka Puntland.

Dhagax dhigga, Dekedda Garacad

Ra’iisal Wasaaraha oo markii u horeysay tan iyo intii jagada Ra’iisal Wasaaraha uu qabtay, oo hadda laga joogo muddo ku dhow sanad iyo badh (1 ½ years), booqasho rasmi ah ku jooga Puntland.

Ra’iisal wasaaraha ayaa waxa si wacan loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda Puntland, ee Garoowe, maalintii Axadda ee bishan Juulaay 29-dii..

Madaxweynaha Puntland Md. Cabdiwali Maxamed Gaas iyo golihiisa Wasiiradda , ayaa la sheegay in Garoonka cusub ee Garoowe, in muddo ah u taagnaayeen soo dhaweynta Ra’iisal Wasaaraha.

Kheyre “Ha iga qasina, Garacad kuma jirin qorshaha “

Inkasta oo aan la shaacin qorshaha uu Ra’iisal Wasaaruhu u  yimid Puntland, iyada oo ay wehiliyaan wafdi balaadhan, xiligan oo ay:

1) Puntland ku jirto dhiilo colaaddeed oo qarka u saaran in ay ka dhex ho’lacda Soomaaliland iyo Puntland,

2) Wakhti ay doorasho ku soo fool leedahay Puntland iyo

3) Xaaladda dhaqaalaha ee Puntland oo aad u liidata.

Madaxweynaha Puntland, Ganacsato, Oday dhaqameedyo iyo dadweyne badan oo matalaya shacbiga qeybihiisa kala gedisan, ayaa saaka u ambabaxay Garacad, si ay uga qeyb galaan munaasabadda dhagax dhiggaasi dekedda.

Diidmada Ra’iisal Wasaare Kheyre, ayaa waji gabax ku noqotay Madaxweyne Gaas iyo guud ahaan dadka reer Puntland, ee sida habsamida leh u soo dhaweeyay Md. RW Xasan Kheyre.

Dadweyne badan oo Soomaaliyeed, ayaa aad uga xumaaday go’aanka Ra’iisal Wasaare Kheyre uu ku diiday ka qeyb galka xafladaasi dhagax dhigga dekedda Garacad, iyada oo warar la isla dhex marayaa ay shegayaan in ay sabab u tahay culeys siyaasadeed oo uga yimid dhinaca Dekedda Hobyo.

Dad badan ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Kheyre ujeedadiisa ugu weyni ee booqashada Puntland aysan ku saleysneyn wax qorshe fog ah oo la xhidhiidha wax ka qabashada amniga iyo dhaqaalaha dalka guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland, bale ay tahay arimo kooban oo la xidhihiidha dhinaca borobagandhada ( politcal rallies and photo opps), iyo in Garoowe lagu qabto shrka Golihiisa Wasiiradda.

Soo Dhaweynti RW Kheyre ee Garoowe

Soo dhawentii RW Kheyre ee Garowe

WardheerNews.

Leave a Reply

Your email address will not be published.