Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Qoyska nin lagu gubay Muqdisho oo ku dhibaataysan xeryaha Dhadhaab

Farxiyo iyo carruurteeda oo jooga xeryaha qaxootiga Dhadhaab/ Axmed Cabdulaahi/Ergo

Waxay Soomaaliya uga soo carareen cabsi ay ka in la bartilmaameedsado, iyaga oo u soo hayaammay dalka Kenya oo ay ka filaayeen nolal dhaanta midda ay Muqdisho ku haysteen balse xaallada xeryaha ay kala kulmeen ayaa noqotay mid ka daran tii Muqdisho.

Qoyska Axmed Mukhtaar Saalax oo ku magac-dheeraa Axmed Dowlo waxay u soo safreen Xeryaha Qaxootiga Dhaadhaab kaddib markii Axmed Dowlo lagu gubay nolasha gudaha magaalada Muqdisho. Axmed oo ka soo jeeda beelaha la hayb-sooco ayaa dilkiisa waxaa gundhig u ahaa eedaymo ku aadanaa in wiil uu adeer u yahay uu guursaday gabar ka soo jeeda beel kale.

Howl-gallo iyo baaritaanno ay laamaha ammaanka Soomaaliya sameeyeen kaddib waxaa suurtagashay in la soo xiro toddobo qof oo lagu tuhunsanaa in ay ka dambeeyeen dilka. Kaddib dacwad dhagaysugeedu ay qaatay muddo, ayaa bishii 4aad ee sanadkan Maxkamad ku taalla Muqdisho waxay dil ku xukuntay saddex qof oo ka tirsanaa toddobada qof. Xukunka kaddib ayaa qoyska Axmed waxaa ay la kulmeen hanjabaad la sheegay in ay kaga imaanaysay dad ay isku hayb yihiin shaqsiyaadkii la xukumay.

Farxiya Axmed Qaasim oo ah xaaskii Axmed Mukhaar oo hadda ku sugan xeryaha ayaa Radiyow Ergo u sheegtay in ay ku dhibaateysan yihiin xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo ay soo maciin-bideen afar bil ka hor.

Safar gaari ah oo qaatey 10-maalmood ah ayay ku yimaadeen Xeryaha qaxootiga. lacagta uga baxdey safarka oo gaareysa kun iyo labo boqol oo dollar ($1200) waxaa u ururiyay deriskoodii Muqdisho, sida ay Farxiyo sheegtey.

Balse qoyskan oo ka kooban 14 ayaa waxay la soo kulmeen iyada oo seddexdii sano ee la soo dhaafay ay hakad ku jireen diiwaangelinta qaxootiga cusub.

Hay’adda qaxootiga ee UNHCR oo ay tageen xafiiskeeda xerada uma diiwaangelin qaxootinimo, balse sida ay Farxiyo sheegtay horjoogayaasha xeryaha oo la kulansiiyay hay’adda ayaa u sheegay in ay diiwaangelin hordhac ah heli doonaan marka la gaaro horraanta bisha December ee inagu soo aaddan.

Farxiya oo sidoo kale ay la joogaan marxuunja aabbihiis oo ah waayeel aragga la’ ah iyo walaashiis oo carruur wadata ayaa sheegtay in raashinka ay hadda karsanayaan ay 10-kii bishii hore u keeneen culimada xerada oo lacag ay masaajidda ka ururiyeen ugu soo iibiyay.

Waxaa hadda gabaabsi ka sii ah raashinkaas oo ka kooban 50-kiilo oo bariis ah, 50 kiilo ah sonkor ah, 20 kiilo oo baasto ah, 48 kiilo oo bur ah, 15-kiilo oo saliidda cuntada ah iyo 6000 oo garaam oo caanaha budada ah.

“Qaxootiga markaan imaaday noloshii ciriiri ayay igu noqotay, waayo meel wax iga soo galo ma lahan wax hadda aan heysano malaha. walaahey anaga waxba ma haysano, wax kale ee caruurta agoonta ah aan siiyo oo ilaahay ila ogyahay malaha oo dal iyo debadba wax naga soo gala ma lahan. Hoy ma haysanyo, cunno ma haysano,” ayay tiri Farxiyo.

Siddeed carruur ah oo afar uu Axmed dhalay oo da’doodu ay u dhexeyso 6-ilaa 15-jir ayaan midkoodna iskuul tegin, sabab ay Farxiyo ku sheegtay in ay tahay in aan loo awoodin, buugaagta, qalimaanta iyo dharka iskuulka.

Mukhtaar Saalax Ooboy oo ah aabaha dhalay Axmed, ahna 75-jir aragga-la’, waxay noloshiisu ku tiirsanayd waxa uu wiilkiisu (Axmed) soo shaqeeyo. Wuxuu sheegay in geeridii wiilkiisa kaddib ay la soo derseen duruufo noocyo badan leh.

“Qaxooti sidaan u nimid koob shaaha kama cabin anagu, muslimkaa ayaanu ku noolahay, mar waa helnaa marna waa weynaa, gaajo iyo dhibaa timid, ninkii gacanta kugu hayay haddi dhinto sow gaajo ma aha,” ayuu abbe Mukhtaar.

Mukhtaar Saalax waxaa sida uu sheegay indhihiisa aragti ugu dambeysay isla maalintii uu dhintay wiilkiisii. isaga oo jooga xaafad ku taalla deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

“Sariirtan ayaan saaranahay waagaa ii berya, hurdo ma leh, hurdo dhan waaye haddee, waaba la waayay ilaahay amarkii hurdadii baaba la waayay ma leh,” ayuu yiri Mukhtaar.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.