Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo xaalad cunno-xumo iyo hoy la’aan ku haysato qaybo ka tirsan Muqdisho

Laba qooys oo ka mid ah dadkii xerada degna/Axmed Maxamed/Ergo

Xero lagu barakacay oo hoy u ahayd in ka badan boqol qoys oo danyar ah ayay ciidamada dowladda Soomaaliya burburiyeen 14-kii bishii Janaayo ee sanadkan, xeradan oo lagu magacaabo Falax oo la dagganaa tobankii sano ee la soo dhaafay waxa ay  ku taallay xaafadda Xamar-bile oo ka tirsan dagmada warta-nabadda ee gobolka Benaadir.

Qoysaskan oo u badan carruur, dumar iyo dad waayeel ah ayaa u kala firxadday qaybo kamid ah magaalada Muqdisho. halkaas oo hoy la’aan iyo cunno-xumo ay ku haysato, Faadumo Xasan Xaaji oo hooyo u ah lix carruur ah, ayaa ka mid ah dadka hoygoodii ku waayay burburintaas. Waxa ay dulsaar ku tahay oo cunnada iyo biyaha ka caawiya qoys daggan dagmada Xamar-jajab.

Waxa ay sheegtay in daaradda guriga ay seexdaan iyada iyo carruurteeda maaddama wax hoy ah aysan ka helin qoyska ay la dageen, Faadumo oo aqal cooshad ka samaysan ku lahayd xerada la burburiyay waxa ay ka waramaysa sida loo barakiciyay.

“Alaabtaydii cagaf baa laga kor keenay, waa la jajabiyay, haddii aan alaabtayda ka baxsan lahaana cunug ayaa iga fakaday. canugii intii aan raadiskiisa hayay waxaan imid buushkagyii oo laysku dardaray, dhar ma wato. alaab maacuun ma wato, waxaan haysto haba yareetee ma jirto, odaygayga haddii uu ii shaqayn lahaana garabka ayay buro uga taalaa”

Lix sano ayay ku noolaayeen qoyska Faadumo xerada laga barakiciyay, waxa ay ka soo hayaameen deegaanka Maage-cismaan ee gobolka shabeellaha dhexe oo beer ay ku lahaayeen abaarro ay saameeyeen, nolosha qoyskeeda ayay ku maarayn jirtay intii ay dagganayd xerada dhar-dhaqis iyo nadiifinta guryaha oo maalintii ay ka helaysay lacag u dhaxaysa $2 ilaa $4, hadda oo deegaan cusub ay tagtay ma haysato ma caamiil ay u shaqayso.

Waxa ay ka walwalsan tahay nolosha ay ku jiraan maaddama ay waysay dhul ay kiro la’aan ku dagganayd iyo shaqo si maalinle ah ah ay u qabanaysay.

“Dhul aan dagno ma haysanno, gobolkeenna hadii aan aadno beer aan falanno ma haysanno iyo awood dhaqaale, waxaa la dhahay dhulkan dhul-dowlo waaye halaga baxo, annakuna codsi baan muujinnay waxaana dhahnay annaka dad masaakiin baa nahay meel aan aadnana ma naqaan. meel uun nageeya xitaa baadiyaha hanoqoto, annakaa idin gaynayna lama dhihine waa nalaga kor yimid, xayawaanka xataa saas lama yeello.”

Faadumo waxa ay qorshaynaysaa helidda shaqo ay ku maarayso nolosha qoyskeeda inkastoo culayska hoy la’aanta uu haysto, waxaa lamid ah Xamdi Cumar Maxamed oo noloshu ku adagtahay markii carruurteeda oo 6 ah ay u waysay hoy, aqalkeedii  alwaaxda iyo jiingad la isku dhajiyay ka samaysnaa ayay cagaftu burburisay, waxa ay xustay in aysan ka badbaadsan dhar iyo maacuun toona, waa hooyo leh uur 7 bil ah oo shaqo la’aan, cunno-xumo iyo hoy’aan isku darsameen.

Suuqa xamar-bile ayay qaybta nadaafadda u qaabilsanayd, mararka qaarna dharka ayay xaafadaha u dhow u soo dhaqi jirtay waxaana dhaqaalaha ay ka hesho ku maarayn jirtay nolosha qoyskeeda.

“Meeshaas  waan isaga faraxsanayn, maalintii markaan sidaa u baxo ilaa kow iyo toban saac iyo ilaa maqribkii, $5 aan  iska soo helayay. Hadda helistoodii waa iska  gaabatay, waxaan ahay qof xaamilo ah, inaan Xamar-Bile aado awal way ii fududeyd waan aadi jiray, laakiin haddda ma u sii lugeyn karo mana ka soo lugeyn karo.”

Qoys ehelkeeda ah oo daggan duleedka Dayniile ayay u barakacday, kuwaas oo si ku meel gaar ah u caawiya hoyga cunnada iyo biyaha maaddama aysan waxba dhaamin oo ay nolosha la halgamayaan,

Maamulka gobolka Benaadir ayaynu ka ogaannay in aan sifo sharci ah loo marin barakicinta qoysaskan danyarta. guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Benaadir Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Caana Boore ayaa sheegay in uu socdo baaritaan la xariira dadkii ka danbeeyay burburinta xerada oo dhulka ay ku taallay uu danguud ahaa.

“Annaga ka maamul ahaan cidi nalama soo socod siisay ma jirin, waxaan ka war helnay in dadki karatabiil la galiyay.

Xilliyada lagu jiro kala guurka siyaasadda dhacdooyinka is qab-qabsiga dhulka ayaa kordha, Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar ay kaga hortagayaan dhicidda khaqalaadka dhuleed 26 bishii hore ee Janaay,  guddoomiye Caana Boore ayaa nuxurka go’aankaas nala wadaagaay.

“Amarka duqa magaalada ayaa soo saaray, dhammaan shaqadii dhulka ee socotay waa la xiray, maadaama xilli doorasho lagu jiro oo khalaqaad ay imaan karaan, hadda in dhul la cabbiro ama sabar-loogooyin dhuleed la jaro ama  dacwo dhuleed la galo ama dhul dad laga bixiyo waxyaabaha noocaas ah oo dhul ku saabsan hadda waa xiran yihiin.”

Xeradaan waxa ay ahayd suuq xilligii dawladii dhexe, wixii burburkii dambeeyay waxaa degganaa dad danyar ah oo aan awoodin bixinta kirada guryaha ama aan iibsan Karin dhul ay dagaan.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.