(ERGO) – Maxamuud Axmed Nuunow oo ah aabbaha qoys toddobo qof ah waxay cunno xumo, hoy la’aan iyo biyo yari ku wajahayaan duleedka Baydhabo, halkaas oo ay barakac ku tageen 20 bishii hore ee Janaayo. Abaar saameyay ayaa ka dishay 20 lo’ ah iyo 30 ari ah oo ay ku tiirsanaayeen.
Xaaladdan waxay ku kaliftay in ay soo galaan safar lug ah oo qaatay toddobaad. Waxay ka soo hayaameen deegaankiisa Edaayin oo 40 km u jira Baydhabo. Halka ay tageen waxay ku helaan cunno hal waqti ah 24 saacba. Waxaa ku caawiya qoysaska deegaanka oo uu u dawarsi tago.
Dhibaatadan waxaa la qaba boqollaal qoys oo saddexdii toddobaad ee u danbeeyay soo maciin-bidday Baydhabo, kuwaas oo gabaad ka dhigta geedaha hoostooda. Waxaa ku adag in ay ku biiraan xeryaha ku yaalla magaalada oo buux-dhaafay.
Maxamuud oo 70 jir ah, isla markaana 50 sano oo ka mid ah noloshiisa ku qaatay dhaqashada xoolaha wuxuu quus ka muujiyay xaaladda bidday barakaca iyo cayrta. Wuxuu xusay in uusan lahayn tabar iyo xifad uu kaga dabaasho dhibaatadan.
“Wax hadda farahayga ku jira malahan baahi ayaan halis u ahay. Hunguri ayaa naga soo galey magaalada. Xaalku wuu naga wareersanyahay. Carruurtii halkan ayey iga rafaadsanyihiin. Hadiiba aan imaadey dad walaalo ah, markii ay arkeen waxay noqdeen kuwa wax nagu sadaqeysta. Marka sidaas ayaan hada ku nool nahay.”
Wuxuu tilmaamay in xaaladdan uu ka dhaxlay abaar labo kal-roobaad ku haysay gobolka Bay. Tan iyo bishii shanaad ee sanadkii hore saddex jeer oo ka mid ah ayuu safar galiyay xoolaha ka la’day isagoo baad iyo biyo doon ah, hase ahaatee wuu ku hungoobay. Wuxuu sheegay in ceelasha iyo warihii ay ku tiisanaayeen dadka iyo xoolaha ay gureen, dhirtiina ay qalashay. Danta ayaa ku qasabtay in uu xooggiisa uu iskugu geeyo badbaadada carruurtiisa, markii ay ka dhinteen shanti neef ee u danbeeyay xoolihiisa billowgii bishii hore ee Janaayo.
Wuxuu go’aansaday in uu soo tiigsado Baydhabo oo ku noolaanshaeeda uusan waayo-aragnimo badan u lahayn. Wuxuu ka cabanayaa hoy xumo haysa carruutiisa oo kan u yar uu jiro 2 sano. Waxaa u dhisan aqal cooshad ah oo dhinacyada ka furan, kaas oo u nugul dabeysha.
“Hoyga aan deganahay markii aad maanta aragto dabeyshii halkan ka soo gashey dhinaca kale ayay uga baxdaa. Maryo aan isku xirxirnay weeye, baadiyada waxan ku dhaqmi jirey wax aqal Soomaali ah la nadaamiye. Kan eber waaye dabeyshii halkan ka soo gasha dhinaca kale ayay uga baxdaa. Marka saa’id ayuu qalbigeena u xun yahay.”
Wuxuu sheegay in dhibaatada hoy xumo ee haysa ay xal u heli lahaayeen haddii uu soo raran lahaa Aqal-soomaali uga dhisnaa deegaankii uu ka yimid, balse duruuftu uma saamixin in uu la soo guuro, maaddama aysan fursad u heli gaadiid soo qaada iyaga iyo alaabtooda.

Geediga ay soo galeen wuxuu ahaa mid naf-hurimo leh sida uu sheegay Maxamuud. Waxay ku soo lugeeyeen dhul biyo la’aan ay ka jirto, cimiladiisuna ay ku lushahay abaar saameysay darteed. 20 liitar oo biyo ah ayay horay u soo qaateen. Safarkooda oo qaatay maalmo waxaa ugu wacnaa socodkooda oo gaabnaa iyo nasiinada oo ku badanyd, maaddama qoraxda jirta aysan u saamaxayn in ay waxbdan lugeeyaan.
Hayaankan waxaa ku wehliyay qoysas kale oo deegaanka Edaayin kala soo barakacay, kuwaas oo si lamid ah xoolahoodii kuwaayay abaarta saamaysay. Qoysaska qaar ayaa ka yimid miyiga tuulooyinka Goof-gaduud, Eel-dhuuniyo Mooda-moode oo ka wada tirsan gobolka Bay.
Dadkaas waxaa ka mid ah Manuur cali ibraahim iyo qoyskiisa oo sagaal ah. Xoolo la’aan darteed ayay uga soo barakaceen miyiga deegaanka Goof-gaduud. Wuxuu sheegay in muddo labo bil ah uu cayr ahaa, isla markaana uu qorshaynayay sidii uu u la soo barakici lahaa carruurtiisa.
Daaq la’aan ay u wehlisay haraad ayuu sheegay in ay u dhinteen 60 ari ah oo uu dhaqanayay, kuwaas oo dhimashu ku billaabtay 6 bil ka hor. Waxay ahaayeen halka il-dhaqaale ee qoyskiisu ay manaafacaadsanayeen.
Wuxuu sheegay in uu subax walba u kallaho Baydhabo oo u jirta 4 km, halkaas oo labo u jeeddo uu u tago. Dadka ayuu waydiistaa shaqo xoogsi ah oo uu nolol-maalmeedka ka helo ama in ay ku taageeraan cunno uu u geeyo qoyskiisa oo xaalad adag ku jira.
Ninkan oo 42 jir ah waxaa ku adag helidda shaqo uu kaga kaaftoomo baryada dadka, taas beddelkeed maalmaha qaar ayuu qoyska u soo helaa raashin lagu caawiyo oo dabka loo saaro carruurtiisa. Xaaladdaas wuxuu ku jiraa muddo 20 bari ah.
“Shaqada ma aqaano ani qof reer baadiye ah ayaan ahay oo sideed carruur ah ay halkan ugu baahan yihiin. Magaalada waan ku wareegey waxba waan ka soo waayey illeen shaqadii iyo farsadamii aqoontoda malihi xitaa dhagaxii la xamaali lahaa oo la qaadayo ayaan waayey.”
Cunno xumada waxaa u dheer hoy la’aan iyo biyo yari. Qoyskiisa waxaa gabaad u ah geed hoostiis, kaas oo dusha ay ka saarteen maryo si ay qoraxda iskaga xijiyaan. Waxaa se uu rajo ka muujiyay in uu u dhawaado magaalada oo ugu yaraan xal u noqon karta.
Biyaha laga heli karo halka uu dagay waa iib. Labaatanka liitar ayaa dadka deegaanka iyo kuwa barakaca ku tagay laga siiyaa 4 kun oo shilling soomaali ah, hase ahaatee wuxuu door-biday in uu arooro ceel 6 km u jira oo biyihiisu ay bilaash yihiin. Wuxuu ka walaacsan yahay mustaqbalka carruurtiisa iyo sida ay u la qabsan doonaan nolosha barakaca, kuwaas oo nolosha miyiga uu ku soo barbaariyay.
“Welwelka xiligan ihayo waxa weyaan carruurta amay gaajo kaa laysaa. Ilaahay baan talo saaranay. Xoolaha markii barwaaqada ay ku jireen oo aaranka ay noo aheyd waan u baxsanay. Waa lisanaynay caanadooda ayaan gadaneyney waan nimceysaneyn. Hadda waxba Ilaah nooma weyn. Laakiin haddii abaaraha ay bateen oo xoolihii naga dhamaadeen duruuf saa’id bay noogu siyaaday.”
Qulqulka dadka naftooda kala baxsanaya abaarta xoolo la’aanta dhigtay ayaa laga dareemaya waddooyinka xariiriya deegaannada u dhaxeeya Baydhabo iyo tuulooyinka hoostaga, kuwaas maciin-bidaya meel ay baad iyo biyo ka heli karaan. Waxaa ka mid ah xoolo-dhaqato beeray tacabkii beeraha iyo xoolihiiba abaartu ay ka saamaysay.
Nuuradiin Isxaaq Maclin oo duleedka Baydhabo dajiyay qoyskiisa siddeed ah 25 bishii hore ee Janaayo, markii abaarta uu ku waayay 25 lo’ ah oo dhaqanayay. Waxaa sidoo kale ay ka saamaysay beer labo hiktar ah oo muddo 2 sano ah uusan tacab galin roob la’aan darteed.
Siddeeddii bil ee la soo dhaafay wuxuu ku maaraynayay nolosha qoyskiisa raashin dayn ah iyo lacago ay dad ehello ay yihiin ay u soo diri jireen. Amaah lagu yeeshay iyo xoolihii oo ka dhamaaday ayaa ku qasbay barakaca.
“Meeshii aan ka soo guuray la iiga leeyahay $375 oo deyn ah iyo neef ari ah oo markii aan wax waayey deynsadey oo aan gatey. Intaas ayaa la igu leyahay. Dayntaas markii Ilaahey wax isiiyo ayaan iska bixinayaa. Laakiin maanta wax Ilaah ogyahay mooyee wax aan ogahay majiraan oo aan iskaga diibi karo.”
Wuxuu tilmaamay in isaga iyo xaaskiisa ay u dawarsi tagaan magaalada. Raashin iyo lacago aan badnayn oo ay soo helaan ayay ku maareeyaan nolosha qoyskooda. Nuuradiin oo 47 jir ah ayaa ka soo barakacay miyiga deegaanka Edaayin. Wuxuu halkaas ku dhaqanayay. Wuxuu xusay xal uu u arkay dawarsiga si uu uga badbaado duruufta cunno xumo.
Abaaraha, colaadaha iyo xaalufka lagu hayo dhirta ayaa ka dhigay sanadihii u danbeeyay kumanaan reer guuraa ahaa kuwa ku xarooday xeryaha. Badankood waxay ku cayroobeen abaarta. Waxay noqdeen kuwa la xarbiya nolol-maalmeed oo diriq ay ku helaan.
Xigasho: Radio Ergo
Leave a Reply