Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Qorshihii shir Muqdisho oo loo dhanayhay oo galay marxalad fawdo ah

Muqdisho (WDN)- Warar soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegay in shir wadatashi ay Dowlad Gobolleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, lagu wado in uu ka dhaco magaalada Baydhabo.

Shirkii Dhuusamareeb 3

Warka kulanka sadex geesoodka ee Bydhabo, oo aan wali si rasmi ah uga soo bixin sadexda Dowlad Gobolleedyo, ayaa u eeg mid lagu xagal daacinayo shir guud oo la filayay in uu ka dhaca Muqdisho, oo dhex mara DFS iyo Dowlad Gobolleedyada  oo dhan.

Shirka Baydhabo, ayaa la shegayaa in sadexda Dowlad Gobolleed ee Galmudug, Hirshabeelle iyo  Koonfur Galbeed ay kaga arinsanayaan sidii mowqif midaysan oo ku aadan goa’aanadii shirkii Dhuusamareeb 3, ay ugu qaadan lahaayeen shirarka dambe ee loogaga hadlayo arimaha hanaanka doorashooyinka.

Dad wax ka qora arimaha Soomaaliya, oo ay WardheerNews wax ka weydiisay shirka Baydhabo, ayaa sheegay in arinka shirka Baydhabo uu u muuqdo fawdo iyo qorshe xumo, islamarkaana ay iska cadahay in uu ka dambeeyo Madaxweyne Farmaajo,  si markaasi ay u kala qaybsanaadaan Dowlad Gobolleedyadu, oo Puntland iyo Jubbaland mowqifkooda loo helo qorshe lagu wiiqo, seeto dheerayn iyo is jiitan loogu gogol xaaadhayo muddo korodhsina salka ku haya.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ilaa hadda ku sugan Muqdisho, iyaga oo ku adkeystay in shirka wadatashi oo Muqdisho ka dhaca, ay lagama maarmaan u tahay ka qeybgalka dhamaan Dowlad Gobolleedyadu.

Waxaa la filayaa in ka gadaal shirka Baydhabo dadaal hor leh loo galo sidii la iskula garan lahaa goobta lagu wada kulmayo, si loo soo gabagabeeyo is-fahamdarada ka jirta hanaanka doorashooiynak 20/21. Arinkaasi oo u eeg mid wakhti qaadan kara.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.