Qorista habboon ee Af Soomaaliga

Qorista habboon ee Af Soomaaliga

W/Q Ibraahim Yuusuf “Hawd”

Gogoldhig

Far Soomaalida muddada dheer la soo adeegsanayay waxaa ku jirta qabyo laxaad leh oo qof wal oo qorista iyo akhriska xiiseeya u muuqata. Qabyadaa eeddeeda kowaad waxaa leh iyada oo aan maalintii farta la hirgeliyay ka dib la xaalayn oo la gu samayn horumarin iyo turxaanbixin. Taa waxaa kaalin ku leh iyada oo aanay muddo dheer jirin hay’ado u xilsaaran ka shaqaynta culuunta afka guud ahaan.

Qoraalkan ”Qorista habboon ee Far Soomaalida” oo ah natiijo ka dhalatay waaya’aragnimo badan oo aan helay muddadii aan qorista Af Soomaaliga ku soo jiray, waa mid darsaya qabyada jirtaa waxa ay tahay, dabadeed qaabaynaya sida loo ga bixi karo. Baaraandeg dheer ka dib, waa sida i la qummanaatay, oo ah hab ku dhisan runta naxwaha erayga iyo dhawaaqiisa dabiiciga ah, ama dabiiciyoobay. Qoraalkan oo kolkii kowaad lagu faafiyay degalka WardheerNews sannadkii 2012, dhawr jeer oo dambe ayaan wax ka dooriyay, fikrado i gu dhashay ama dad wax i gu kordhiyay darteed. Haddaba sidaaan imika halkan ugu soo gudbiyay waa ta aan u gu dambayn ka wadi waayay in Af Soomaaliga loo qoro. Go’aankeedana umadda ayaa i la leh.

Maxaa ka dhiman Far Soomaalida?

Dhaliilaha far soomaalida ama adeegsigeeda ku jira ee ay khasabka tahay in la fardaamiyo wax aynnu ku koobi karraa shan ka la ah:

1) Lammaanaha kh, sh, dh
2) Xarfaha labalaabma oo ka la dhiman
3) Shaqallo innaga maqan
4) Hadalka oo aan is ku si loo qorin
5) Kaladuwanaanta dhawaaqyada degaannada oo aan qaamuus loo hayn.

Casharka 1 – aad: Lammaanaha kh, Sh, dh:

Far Soomaalida hirgashay waxaa ku jirta fadeexad weyn oo ah xarfaha kh, sh iyo dh. Saddexdaa xaraf (lixdaa xaraf!) waxa cilladaynayaa waa badnaantooda aan loo baahnayn, iyo dhanka kale in ay yihiin is laxarfo codad kale loo adeegsaday oo soo noqnoqday, iyada oo ay ahayd astaan weliba in ay xaraf keliya u taagnaato. Run ahaantii saddexdaas dhawaaq in sidaa lammaan loo qaatay wax ay muujinaysaa oo keliya in Yurub la gu dayday iyada oo aan la tixgelin baahida Af Soomaaliga u gaarka ah. Eeddaasi wax ay sii darraanaysaa kolka aynnu og nahay in ay jiraan, nasiib wanaag, xarfo Far Laatiinka ku hadhay oo aan Far Soomaalida loo gu danayn.

Waxaa taallay, welina taalla, in saddexda xaraf ee p, v, z loo qaato meesha la geliyay kh, sh iyo dh. Saddexdaas xaraf in codadka ay afafka Yurub ku yihiin la ga soo raro oo saddexda soomaaliga ah loo dhigaa waxba ka ga ma duwana farta la qaatay inteeda kale (tusaale ahan c, x iyo q oo codkoodu Far Soomaalida u gaar yahay).

Baahidan waxaa sii xoojinaya iyada oo ay caddaatay codka dh in uu ka mid yahay kuwa labalaabma. Taa macnaheedu waxaa weeye in ay foolxumo tahay in la qoro dhiidhdhi, fadhdhi iyo cadhdho. Xalku waa in horta astaanta dh la gu dooriyo v. Fikradda p/kh, z/sh, v/dh wax ay wax badan ka taraysaa urursanaanta qoraalka Af Soomaaliga oo imika aad u jiidjiidan.

Kolka aynnu iyaga qaadanno hoos ka arag sida ay labadan sadar u ka la qurux badnaanayaan:

Ka dhiidhdhi shisheeyaha ku khaakhuulay
Ka viivvi zizeeyaha ku paapuulay (v adag)

Sadarkaas yar keligii wax aynnu ka ga maarannay siddeed xaraf oo qoris inooga baahnaa, waxaana inoo baaqday meeshii iyo waqtigii aynnu ku qori lahayn.

Casharka 2-aad: Shibbanayaasha labalaabma:

Bilawgii waxaa la is la qiray codadka Af Soomaaligu ka abuuran yahay qaarkood kolka ay afka ka baxayaan in ay adag yihiin oo carrabka ama dibnaha ku dhegaan dabadeed ay yeeshaan macne cusub. Xarfaha adkaadaa waa siddeed oo lix ka mid ahi carrabka ayay ku dhacaan kuwaas oo ah d, r, dh, g, l, n. Labada kalena dibnaha ayay ku dhacaan oo waa b iyo m. Xarfahaasi kolka ay adag yihiin waxaa la gu asteeyaa in qoristooda la lammaaniyo si loo ga garto kolka ay fudud yihiin, tusaale ahaan carrab haddii la fududeeyo wax uu noqonayaa carab (nin carbeed), Barre (nin bar leh) iyo bare (macallin).

Xarafka dh bilawgii la gu ma darin kuwa adkaada, waxaa se la hubaa in uu adkaado oo macnayaal ka la duwan sameeyo. Tusaale ahaan dhiidhi (dhiiqo) iyo dhiidhdhi (ficilo), cadho (xanaaq) iyo cadhdho (cudur dubka gala), fadhid (qodid) iyo fadhdhi (in la fadhdhiyo), Fidhin iyo Fidhdhig, magaalada Badhan iyo badhdhanka dharka.

Iyada oo ay sidaa tahay xarafkan ilaa maanta labayntiisa la gu ma dhiirrado waayo kolkiisa hore astaanta loo qaatay ayaa lammaan. Sidaa darteed xeerkiisa labalaabidda la ma raaci karo iyada oo aan horta loo ga guurin astaanta v.

Xeerka lammaanayntu in kasta oo uu hirgalay oo la wada bartay haddana la ma wada ilaaliyo. Haddii aynnu soo aragnay codka adag xarafkiisa in la lammaaniyo in la ga ga badbaadayo la mid noqoshada mid fudud oo la qoraal noqon lahaa, taas oo nuxurka erayga doorin lahayd, kuwan cusub ee meesha la keenay cilladdaasi ku ma jirto. Tusaale ahaan erayga arad (dhul) waxaa ku jirta r keliya, laakiin arrad (dhar beelid) waxaa ku jira laba. Markaa wax ay ka la yihiin a-rad iyo ar-rad. Sii wad oo dheh: a-baar iyo ab-baar, ba-dan iyo bad-dan, sa-rayn iyo sar-rayn, bo-ga iyo bog-ga, ca-dho (xanaaq) iyo cadh-dho (cudur), ke-li iyo kel-li, dha-maan iyo dham-maan, kee-na iyo keen-na iyo ha-low iyo hal-low. Shibbanaha y oo la gu hirgeliyay in aanu labalaabmin, waxaa cad in uu laba laabmo, waxaana caddaynaya ka la duwanaanta erayada ay ka midka yihiin aa-yo (mustaqbal) iyo aay-yo (oorida aabbaha), waa-yo (xilliyo) iyo waay-yo (sabab?).

Guud ahaan erayada sidaas ah waxa macnahooda ka la duwayaa waa in xarafka dhawaaqiisu fudud yahay iyo in uu adag yahay. In badan wax aad arkaysaa nin la yidhaahdo Caddow magcaas oo ka yimid caddaan, kaas oo haddana loo qorayo Cadow oo ah nacab.

Xarfaha aan xeerkaasi qabanayn ee weligood laba noqon karin aynnu halkan isku tusaalaynno: ma-taan, a-jar, a-xad, a-khas, Xa-san, ta-shi, da-cal, a-fo, a-qal, e-keeye, ha-wo, a-yaan. Halkaa waxaa inoo ga cad in aan loo baahnayn labaynta xarfahaas. Haddii se qaarkood dhadhan adagi ku jiri karo sida k, x, s. waa kuwo dabci ahaan is ka adag oo aan haddii la labeeyo nuxur cusubi ka soo baxayn.

Halkan ka akhri: maqaalka oo dhan :Qorista habboon ee Af Soomaaliga

Inraahim Yuusuf “Hawd”
Email: Ibraahinhawd@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.