HA LOO GURMADO GUMBURIGA SOOMAALIYEED
W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
Dhibtu markay kaa badato, aanad waxba ka qaban karayn, waad u adkaysataa. Waad la qabsataa oo waad laasimtaa. Sidoo kale cayda iyo ceebtuna waa la mid. Kuma damaqdo markaad ogtahay inaad adigu sababta wax ku leedahay. Si Kastoo qofka Soomaaliyeed lagu dhega-hadlo maanta, ma filayo inuu sidii beryo hore uga dhiidhiyo.
Jabkii iyo burburkii cuskaday ummadda Soomaaliyeed ayay weli guuldarradii ka soo martay la tiicaysaa. Afarta beeni jaho haddii xaajo qallafsan la isaga digayo, waxaa hal-ku-dheg adduunka u noqoty : ‘ Sidaas haddii ay arrintu ku sii socoto, wallee waa la hubaa inay halkaa Soomaalida oo kale ku dambayn doonto.’

Arartan maaleeyada da’aysaa, waa mid meesha ku jirta. Quursi iyo warbaahin laysku dhaliiceeyo, maanta way soo dhaaftay. Waxay taagan tahay in loo soo jeestay sidii loo xaalufin lahaa ugaadheenna tira-yarta weli dalkii nagaad ku ah sida ‘GUMBURIGA” (The Somali Wild Ass) ee qoraalkan ku socdo.
Dadkii mashaqadaas ku baraarugay ee xanuunkeedu taabtay waxaa ka mid ahaa akhyaarka XASAN M. HURUSE oo dhambaal dalka Maraykanka iiga soo diray. Tartiib.. tartiib ayaa la rabaa, in GUMBURIGA Somaaliyeed dalka laga bililqaysto iyadoo xannaanayntiisa iyo in laga ilaalinayo dabargo’ ku yimaadda lagu andacoonayo. Xasan wuxuu weliba sii muraaradillaacay markuu arkay , in haba la dhoofsadee, ay u dheertahay in magacana la rabo in laga beddelo oo dadyaw kale Gumburigaa loo nisbeeyo.
Arrintaasi meel durugsan ayay runtii innagu la arooraysaa, haddii aan la iska qaban inta ay goori goor tahay. Marin halaq ayay innagu noqonaysaa: Berritona in la yiraahdo geyiga Geeska Afrika wax ummad Soomaali la yiraahdaa kuma ay noolaan jirin, arrin la baciidsan karo ma aha.
Wargeys-xilliyeedka caanka THE ROYAL GEOGRAPHICAL MAGAZINE ee London ka soo baxa, ayaa sannadihii 1950-dii soo qoray in qaaradda Afrika, goobta ay Soomaalidu ka deggan tahay ugu ugaadh badn tahay (The Biggest Wild Game in Africa). Maantana, shisheeye warkiisa daa, ee dhallinyarada Soomaaliyeed, haddaad warkaas la soo qaaddid, waxay u malaynayaan in cayaayir looga jeedo iyo cidla’ ka faan. Ayaandarro iga dhe !
Dhinaca koonfureed ee Jubbooyinka, maroodigii, harimcadkii, wiyishii, jeertii, daayeerkii iyo yaxaaskii webiyada inta ka sii hartay xisaabtooda cidina ma hayso. Dooxada Golol ee Mudug ku taal, deera-daba taagtii afkaa ka joogi jirtay, duco uun baad maanta mid mid ku arki kartaa. Banka Saraar ee Somaliland, gorayadii, biciidkii, cawshii, deeradii waqti aan fogayn, ishaada ka libdhi jirin, maanta waa gabaabsi. Murugadeedu ma yara markaad weliba maqashid duul madax lagu sheegayo inay laftoodu ku lug leeyihiin dhoofinta iyo ka-ganacsiga haragga shabeelka, shimbiraha, iyo dhuxusha.. oo iyadu noqotay mid aan loo kala harin, madax darajo weyn iyo dibjir kay ku tahay.
DAN iyo haatan: Weli quus lama joogo ee yaan la qalab dhigin. Dadka, shirkadaha, ururarda iyo heyadaha soo haweysanaya inay bililiqada ka socota Geyiga Soomaliyeed ee xaalufinta ku wada degaankeeda iyo duunyadeedaba mar uun ‘YUR HA LA WADA YIRAAHDO”. Ha laga war hayo oo iyaga iyo dullaal..mullaalka dalka u jooga ha lala socdo. Warka ha la isu tebiyo, heyadaha
dal walba ka furan ee heeganka u ah badbaadinta degaanka iyo cimiladiisa, ha lala kaashado si la isu hortaago kuwa raba inay GUMBURIGA iyo ugaadha kaleba dalka ka dhoofiyaan iyagoo ugu soo gabbanaya DARYEEL aan, haba yaraatee, sintii ka jirin.
Akhyaarka Xasan M Huruuse iyo kooxdiisa waxaan rajaynayaa inay halkaa ka sii wadaan hawsha dabagalka arrintaas oo aanay ka daalin.
W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
Email: sjx2005@hotmail.co.uk
Leave a Reply