Muqdishu (WDN)- Faafaahino ayaa ka soo baxaya weerar xalay Al Shabaab ay ku qaaday goob laga cunteeyo (Maqaaxi), lagu magacaabo Banaadir Beach, oo ku taalo xeebta Liido ee dagmada Cabdicasiis oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ee xurunta Soomaaliya. Weerarka ayaa dhacay abaaro 8-dii fiidnimo ee xalay.
![Qarax_Liido](http://www.wardheernews.com/wp-content/uploads/2016/08/Qarax_Liido-300x217.jpg)
Weerarka ayaa ku bilowday qarax yo Israsaaseen in muda ah u dhaxeysay kooxda weerarka qaaday iyo ciidanka Ammaanka ee goobtaasi ku sugnaa .
Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay gudaha u galeen Maqaayada, ayna dileen dableydii hubeysneyd, isla markaana la badbaadiyay dad la sheegay in ay xiligaas halkaasu ku sugnayeen.
Taliyaha ayaa sheegay in 9 ruux ay ku dhinteen weerarkii xalay, waxaana ka mid ahaa labo ciidamada ammaanka ahaa iyo labo nin oo dabley ah. Waxaana jira tiro halkaasi ku dhaawacantay oo aan wali la shaacin.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka, isla markaana ay la wareegeen gudaha Maqaayada oo ay ku dileen goobtaasi saraakiil ka tirsan ciidanka iyo madax kale.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho
Leave a Reply