Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

QARNIYADII ARGAGAXA: MA TAARIIKHDA AYAA DIB ISU QORAYSA MISE INNAGA AYAA KHALADKII DIB U SAMAYNAYNA?

W.Q. Burhaan Cali

Laga soo bilaabo faragelintii uu Midawgii Soofiyeeti sida toos ah ugu sameeyey waddanka Afqaanistaan dhammaadkii toddobaatanaadkii, dunida islaamku waxay gashay jawi siyaasadeed oo wax badan ka beddalan jawigii horay loogu yaqaannay. Isla sanadahaas waxaa Iran ka curatay dawlad loogu wanqalay ISLAAMI. Boqortooyooyinka khaliijka oo ay garabsiinayaan reer galbeedku waxay garab istaageen jabhadihii ka soo horjeedday xukuumaddii Soofiyeetigu dhabarka ka riixayey, Waxaa codad dhaadheer lagu naadiyey JIHAAD iyadoo dhallintii jaamacadaha u joogay waddamadaas lagu dhiirri geliyey inay dagaalka Afqaanistaan aadaan. Erayga jihaad waxa uu noqday hubka ugu weyn ee lagu weerraro madax badan oo muslimiin ah, baadigoobka dawlad islaami ahna waddo kasta ayaa loo maray.

Siyaasaddu meel gaar ah ma fadhidee. talo waxay dhabaqday markii Ruushku isaga baxay Afqaanistaan, wax yar ka dibna Saddaam Xuseen uu qabsaday Kuweyt. Dagaalyahannadii u jeellanaa dawlad islaami ah oo dunida u qaybiyey Daarul Kufri iyo Daarul Islaam iyo madaxdii u sacab tumi jirtey, ayaa madaxa isla galay oo illaa iyo maanta la kala guri la’yahay. Waxaa bilawday dagaallo aan xuduud iyo xeer toona lahayn. Goob iyo cid ka nabad gashay dagaalkaa socda ma jirto. Masjid iyo makhaayad, carruur iyo cirroole intaba dhib ayaa ka soo gaartay. Waddamo badan sharcigii iyo kala dambayntii faraha ayay ka baxeen, halka kuwa kalana waddadooda soo hayaan. Waxaa goob walba ka muuqda argagax, burbur iyo barakac dhammaan ka dhashay saldanad doon lagu barxay caqiido!

Jawigaa qallafsan ee aynu maanta ku jirno wuxuu i soo xasuusiyey falal horay u dhacay oo lagu kaydiyey diiwaanada taariikhda dunida islaamka. Haddaad ilmilicsi kooban ku samaysid firqooyinkii ka soo baxay dunida islaamka, dhammaantood waxay si toos ah ama dadbanba faraha kula jireen siyaasad iyo xukun. Caqiidooyinka ay aamineenna dhammaantood waxa ay ka dhasheen damacooda. deedna diin loo badalay. Tusaalayaasha muuqda ee arrimahaas waxaa ka mid ah sababta Shiicada iyo Khawaarijtu ku aasaasmeen. Dagaallo ba’an oo ay firqooyinkii hore isku dilayeen qaarkood waxay socdeen qarniyaal.

Dagaallada ugu yaabka badnaa waxaa ka mid ah dagaalladii ay wadeen firqada Ismaaciliya oo ka tirsan shiicada. Inta ayan kala burburin waxa ay caan ku ahaayeen magaca QARAAMIT. Hadafka ugu weyn dagaalkoodu waxa uu ahaa in ay u gogol xaaraan soo if baxa MAHDIGA ay sugayeen iyo in ay dhisaan dawlad islaami ah waayo waxay u arkayeen in dadka kale oo dhan munxarifiin yihiin! Xilligii ay dagaalladaa wadeen waxaa loo aqoonsaday “qarnigii argagaxa“. Waxa ay mayd ku gureen ceelka samsamka, waxayna qaateen xajarul aswadka, iyagoo islamarkaana furan jiray musaafurka. Cidna uma aanay aaba yeeli jirin. Khawaarijtu intii ayan burburin laftigoodu ummadda waxa ay dhadhansiiyeen xanuun. Sunniga laftigoodu marar badan ayay isku laayeen magacyada firqo iyo madhabba sida ashcariya, jaxmiya, muctasila, maalikiya, xanafiya, shaaficiya… iwm. Illaa maantana waxay isku dilayaan magacyada firqooyinkaa sida Ikhwan, Salafi, Al-qaacida… iwm.

Haddaba ma taariikhda ayaa dib isu qoraysa mise innaga ayaa khaladka ku celcelinayna?

W.Q. Burhaan Cali

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.