Qareenada aan la dirsan ee dumarkeena u dooda!

Qareenada aan la dirsan ee dumarkeena u dooda!

W/Q Sh. Axmed Cabdisamad

Ugu horrayn kolkii hay’adda Culimada Soomaaliyeed ay bayaanka ka soo saartay kootada dumarka, ayaa dadka qaarki yiraahdeen culimadu maxay dumarka godobta uga galayaan?. Markaas ayay igu dhalatay in aan qormadaan qaladkaas ku saxo.

Madasha_shir_gabagebo
Madasha Qaranka

Waa hubaal in aysan dumarkeenu shirweyne ka yeelan siday xubno uga heli lahaayeen baarlamaanada, isla markaasna aysan jirin ergooyin dumar ah oo ay arrintaas u soo doorteen. Waxaa kale oo hubaal ah in aysan reer galbeed iyo acwaantooda midna u yeeran oo aysan u dirsan qareenimo. Waxaa xaqiiqo seddexaad ah dadka codka dumarkeena ku hadlaya (ha ahaadeen shisheeye ama soomaali dhalan-rogane) in aysan u socon danta dumarkeena ee ay iyagu dano gaara ku fushanayaan magaca dumarkeena.

Intaa ka dib Maraykan iyo dawladaha kalee reer galbeed midna dumarkooda ma siiyaan xubno baarlamaan oo gaaraya 30% . Haddaba waxaa isweydiin leh haddii dan iyo faa’iido laga helayo in xubno dumar ah oo intaa le’eg baarlamaanada lugu darsado may nooga hormaraan illaa waa mabda’oodiiye?.

Haddii laga yimaado diinta, caqliga, dhaqanka iyo danaha dadkeena waxaani soo ma khilaafsana mabda’ii Dimoqraadiyada ee dadku codkooda xorta u ahaayeen iyo mabda’ii madaxbannaanida dawladaha ee cid walba distoorkeeda iyo qawaaniinteeda u madaxbannaanayd oo waliba muddada dheer la inaku qulaaminayey si aynu u aqbalno oo ugu dhaqano, mise woxoodu waa la jiifiyaana bannaan?!.

Dhinac kale haddaynu ka eegno ma ina qabataa diin ahaan iyo dhaqan ahaanba in aynu reer galbeed mabda’ooda uga dheerayno oo aynu noqono “ dariskaa mar ku diin, marna ku dayo, marna ka darnow”.

Kolkii la yiri waar gaalooy sidaan nama qabatee, ha nugu khasbinina wax aydnaan idinkuba isu ogolayn ayaa dad ina la abtir ahi dhinicii gaalada ka soo safteen oo ku doodeen dumarkaa la duudsiinayaa, taasna waxaan ka leenahay gaalada iyo kuwa u sacabbinayaa dumarkeena ugama roona Ilaahii abuurtay, aabbayaashood, wiilashooda, walaalohood iyo say-yadooda midna, khayrna u horseedi maayaan ee fikradaan dano ay leeyihiin bay ku gaarayaan, waxaana hubaal ah in aysan kooxdaan gaalada ciyaarta u jiibinaysa aysan buuqaan iyo qaylodhaantaan ku matalin dumarka soomaaliyeed ee ay wakiilo u yihiin ciddii afkaartaan keentay.

Ugu dambayntii dumarka soomaaliyeed waxaa ehel iyo xigto u ah ciddii ka fakaraysa maslaxadooda adduun iyo aakhiro , uguna yeeraysa, kuna caawinaysa siday naar uga badbaadi lahaayeen, jannana u gali lahaayeen ee dan uma hayaan dadka baadinimada iyo naarta ugu yeeraya ama magacooda sida xun u adeegsanaya. Hadday jiraan koox dumar ah oo ku saamowday baaqyada gaalada iyo acwaanteeda waxaa culimada la safan oo taageersan dumarka soomaaliyeed oo dhan, culimada soomaaliyeedna waa ku mahadsan yihiin inay danaha dadkooda u danqadeen, una doodeen gaar ahaan dumarkeena oo dabin baas la doonayey.

Sh. Axmed Cabdisamad
Email: alwaqaar@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.