Muqdisho (WDN)- Qaraxyo loo adeegsaday labo Gaari ayaa ka kala dhacay Isgoyska Danwadaagta iyo Iridda hore ee Xalane ee agagaarka Hotelka Peace.
Sida aanu ka heleyno warar naga soo gaadhay qaraxyadaasi, ayaa sheegaya in la bartilmaameedsanaayay Hotel Peace oo ku yaala agagaarka xerada Xalane. Hotel-kaas oo lagu qabtay shirkii madaxdda Urur Gobaleedka IGAD.
Waxaa soconaya gurmadyo kala duwan oo loo fidinayo dadka ku wax yeeloobay qaraxyadaasi.
Qaraxii koobaad ayaa loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah, kaas oo lagu qarxiyay bar lagu baaro gawaarida.
Wararka ayaa intaa ku daraya in burbur xooggan uu geystay qaraxii labaad, oo ahaa Gaari Walxaha qarxa laga soo buuxiyay, islamarkaana uu ku qarxay iridka laga galo xerada Xalane oo loo yaqaano Madiina Gate. Goobtaas oo ay ku sugnan yihiin ciidamo ka tirsan AMISOM.
Goob joogayaal ayaa Wardheernews u xaqiijiyay in qaraxyadaasi kadib ay maqlayeen dhawaqa risaas xooggan oo ka dhaceesa dhowr jiho, in kastoo markii danbe xaalada ay qabowday. Qaraxyadan ayaa sababay dhimasho dad gaadhaya 10 iyo dhaawaca oo lagu sheegay 20.
Qaraxyadan ayaa noqonayaa kuwiii ugu horeeyay ee sanadkaan cusub ka dhaca Muqdisho.
Wixii ku soo kordha waxaad kula socon doontaan wararkeena danbe insha alaah.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews, Muqdishu
Leave a Reply