Muqdishu (WDN) – Qarax loo adeegsaday gaadhi is niidaamis ah, ayaa ka dhacay caawa magaalada Muqdishu, sida ay wararka sheegayaan kuwaasi oo lala beegsaday Hotelka Liido Sea Food oo ku dhegan Hotelka Beach View ee degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir.
Qaraxa ka dib ayaa goobta waxa ka bilowday Rasaas u dhaxeysay koox hubaysan oo lagu sheegay Al Shabab oo halkaasi weerartay iyo ciidanka Amaanka oo halkaasi ka dhawaa.
Goob Joogayaal ku suganaa aaga Huteelka ayaa WardheerNews u sheegay in ay jirto wax yeelo aad u badan oo halkaasi ka dhalatay, in kastoo aan wali la heyn tirada dhabta ah, ayaa wararku sheegayaan in ilaa 5 qof ku dhimatay tiro kalena ku dhaawacmeen. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in mu’suuliiliyiin maamulka degmooyinka ka mid ahi ay waxyeelo soo gaartay.
Wararka ayaa intaasi ku daray in in Hotelka Liido Sea Food ay ka dhex dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo ciidanka NISA ay ku hareereysan yihiin Hotelka Liido oo ay ku jiraan Kooxda Hubeysani.
Wixii warar soo kordha fadlan kala soco wararkeena danbe.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews Muqdisho