Muqdishu (WDN)- Qaraxyo ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wararka na soo goodhaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Iridda dhanka degmada Wadajir ee ka timaadda galbeedka Garoonka, gaar ahaan qaybta dadka lagu baaro marka ay galayaan garoonka ee loo yaqaano Madiina Geed.
Qaraxyada ayaa mid ka mid ah ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegtay albaabka, waxaana sidoo kale xigay qarax kale, iyada oo dad ka ag dhawaa deegaanka garoonku ay sheegayaan in ay rasaas ka dhaceyso aagaasi. Dad lagu qiyaasay 13 qof ayaa la sheegay in ay halkaai ku dhinteen.
Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa ku sii qul qulaya goobta, iyada oo ciidamada dowladda ay xireen aagga uu qaraxu ka dhacay. Waxa kale oo wararku sheegayaan in goobta ay gaareen ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Amisom.
Maleeshiyo Al Shabaab ah ayaa loo maleynaa in ay gudaha u galeen goobta sida wararka soo gaadhaya wardheerNews Sheegayaan.
Wixii warar ah ee soo kordha waanu idinla socodsiin doonaa In sha Allah.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho
