Muqdishu (WDN)- Fafaahina dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan qaraxyo barqadii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ee Soomaaliya.
Qaraxyada oo ahaa kuwo loo adeegsaday gawaari, ayaa waxaa midka hore uu ka dhacay nawaaxiga xarunta dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo. Halka midka kalana uu ka dhacay goob Suuq ah:

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa labaad uu ahaa midka ugu qasaaraha badnaa, waxa uuna galaaftay nolosha dad agaraya 10 ruux , halka ay ku dhaawacmeen 20 kale ku dhawaad:
Ciidanka Ammaanka ee maamulka Puntland ayaa gaaray aaga qaraxa, kuwaasi oo dadka goobta ka kala ceyriyay. Qaraxyada ka dib ayaana la sheegay in halkaasi ay ka dhacday in mudo ah israsaaseyn”
Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxa Gaalkacyo, idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa goor dhow baahisay sheegashada mas’uuliyada qaraxyadii Gaalkacyo, isla markaana ayna ku dileen askar ka tirsan Puntland sida Idaacadu sheegtay.
Magaalada Gaalkacyo qeybteeda waqooyi ayaa ah mid gebi ahaanba xiran, waxaa istaagay ganacsigii, iskuuladii, ciidamada Ammaanka ayaa goobta qaraxyadu ay ka dhaceen ku sugan, waxaana xaalku yahay mid kacsan.
Qaraxyadan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya iyadoo todobaadkii hore howl galo ay iska kaashadeen Ciidamada Soomaaliya ee Kumaandooska loo yaqaan “Danab” iyo kuwa Puntland, iyada oo lagu qabtay saddex ruux oo mid ka mid ah uu u dhashay dalka Sudan, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews Muqdisho
Leave a Reply