Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

QARAXYADA HAL GACAN MA FULISAA?

W/Q Yacquub Xayir

Marka hore rabbi ha janneeyo, dadkii i ku naf waayey weerarradii bahalnimada ah ee kooxaha nabad diidka iyo Diin rogaalka ahi ay ka geysteen gudaha magaalada muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.
Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho waxay noqotay magaalo ehel u ah; dil, dhac, qarax,kufsi, ku qabso ku qadi mayside iyo waliba dulmiyo aan daah saarnayn oo har iyo layl shacabka Muqdisho dhex muquurtaan.

Qarax Muqdishu

Tan iyo 28 kii sano ee la soo dhaafay, waa ay yartahay maalin Muqdisho dil xaqdarro ah uunan ka dhicin. Guri walba oo qof Soomaali ahi leeyahay waxaa taallay tacsida qof ehel ah oo si xaqdarro ah lagu dilay, balse Muqdisho waa ka sii ayaan darantahay deegaanada kale ee dalka .Taasi waa tilmaame muujinaya heerka uu gaarsiisanyahay tacaddiga aan kala joogsiga lahayn ee dadka reer Muqdisho sanad walba marti-geliyaan. Waa arrin lala yaabo, balse waxaa sii amakaag ah in dadka Muqdisho ku noolli malaayiin doollar canshuur ahaan looga qaado, taasi oo gurrada loo geliyo kuwa sheegta in ay mas’uulka ka yihiin shacabka.

Qaraxyada iyo dilalka joogtada ah waxaa dulmane u ah shacabka tabaallaysan ee canshuurta laga qaado, kuwa madaxda sheegta iyagu waxay lacagtii shacabka ku iibsadeen baabuur aan xabaddu kari (bullet proof), iyaga oo aan wax wal wal ah qabin ayey daafaha magaalada isaga gooshaan, haa ,xaq ayey u leeyihiin oo waa madax bartilmaameed ah oo sugidda ammankoodu muhiim yahay, balse masuuliyiintu waxay gabeen masuuliyadoodii shacabka Soomaaliyeed.

Masuuliyiintu, waxay sugi la’ayihiin amniga 2 million oo qof oo Muqdisho ku nool, maalin walba waxaa xasuuq loo geysta shacab dhibaateysan, waliba kuwii u geystay cid qori ka daba tuurta ma jirto, waxaana laga yaabaa in ay kuwaasi u hoydeen guryo u dhow guryaha ay habeenkaas baroorta iyo tacsidu taal.

Shacabka Muqdisho arrintaas waa ku dhaliilanyihiin oo cidda maalin walba xasuuqeysa waa ayaan darro in ay gudaha magaalada ku hoydaan, .waxaa la doonaya in qof walba uu masuul iska saaro sugidda ammaanka guud ee magaalada muqdisho.

Qaraxa yaa fuliya?

Waxaynu maqalnaa qarax ayaa dhacay,balse qarax walba oo dhaca waxaynu masuuliyadda saarnaaa Al-shabaabka tooska ah ee buuraha iyo hawdka ku jira, ma jirto cid is weydiisa; cidda gudaha magaalada soo gelisa baabuurka ,meesha lagu soo farsameeyey, guryaha ay seexdaan kuwa abaabula qaraxyada iyo su’aallo kale oo badan oo u baahan in astaan weydiimeed weyn la hor dhigo.

Haa qaraxa salkiisa ugu hooseeya waxaa iska leh Al-shabaabka tooska ah, balse waa yartahay inta la ogyahay in ay jiraan Al-shabaabka dadban.
Waa kuwma Al Shabaabka Dadban?

Al-shabaabka dadban waa kuwa:
– Ila nool,
– kula nool
– Inala wada nool.
– Waa kuwo basaska kula raaca,
– Waa kuwo tukaanka kaala adeegta
– Waa kuwo kula baroorta wakhtiyada ay qaraxyadu dhacaan, iyaga ilma yaxaasleeya (crocodile tears)!

Dufcad cusub, ee ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo tababr u dhamaaday PHOTO / STUART PRICE.

Maalin walba waxaan maqalnaa qarax ayaa dhacay, goobta uu qaraxu ka dhacay waa meel aad muhiim u ah, waxaa ka sokeeya ilaa shan isbaaro oo baaburta iyo dadka lagu baaro, goobtaas waa adagtahay in uu gaaro gaari aan la aqoon, gaariga isbaarooyinkaas oo dhan dhaafay ee haddana is qarxiyey cid ay marayso ma jirto in la yiraahdo Al-shabaabka uun toosan ayaa ku leh.

Waxaa inoo cad haddaba in ay jiraan Al-shabaabka dadban oo gacan libaax ka qaata dardar gelinta qaraxyada, dilalka iyo dulmiyada kale ee ka dhaca Muqdisho. Al-shabaabka dadbani waxaa laga yaabaa in uu ku jiro baarlaamanka, wasiirrada, agaasimayaasha, taliyayaasha iyo waliba ciidamada ammaanka.
Waxaan iri ;

Maska cunaya ruuxdiisa
Cuna qaban caruurtiisa
Misna caana siinaaya
Car yaa garan ciyaartaas?.

Al-shabaabka dadban waxaa soo gala ganacsatada iyagu canshuurta siiya Al-shabaabka tooska ah, blase ganacsatada waa loo garaabi karaa oo ammaankoodii waxaa gabay kii ay canshuurta siiyeen ee masuuliyaddaas lahaa. Al-shabaabka dadban waa kan ay tahay in soo afjariddiisa ahmiyad gaar ah ay kuwa saxda ah ee dawladda ku jira iska saaraan.

Ammaanka Muqdishu maxaa ka qaldan?.

Ammniga caasimadda Muqdisho waa arrin muhiim ah, waxay muhiim u tahay sharafka iyo cisada dawladda, waxay muhiim u tahag nafta shacabka reer Muqdisho.

Muqdisho waa udub dhaxaadka dawladnimada Soomaaliyeed waana meesha ay Al-shabaab hadd iyo goor qaraxyada iyo hawlgalladooda kale ka fuliyaan, waayo waxay ogyihiin qaraxa Muqdisho ka dhaca xaaladda uu abuuri karo iyo in uu si fudud caalamka ku gaarayo,taasi oo Al-shabaab ay doonayaan in ay ku muujiyaan awooddooda maadama ay awood u leeyihiin in ay weerarro ka fuliyaan gudaha caasimadda, walibana goobo iyo dad muhim ah beegsadaan.

Haddaba caasimadda ammaankeeda maxaa ka qaldan? Ma dawladda ayaan daacad ka ahayn xasilinta caasimadda?, ma ka dhabbaa oo dawladdu waxay sugi la’adahay amniga 2 million ee caasimadda ku nool? Ma arrimo kale oo aynan ogeyn ayaa jira? Waa su’aalo u baahan in aad la lafa guro markaasna la isku dayo in la fahmo isha ammni darrada caasimadda. Anigu shakhsi ahaan waan qaadan laa’ahay in dawlad dhan ay ammaanka caasimaddeda sugi la’adahay, waliba meelaha muhiimka ah oo weerarro ka dhacaan inta badan .

Laba arrimood middood ayaann arrintaas anigu u sababayn lahaa oo aan is leeyahay waa ay keeneysaa amni darrada caasimadda ;
1) In laamaha ammanka ay ku dhex jiraan al-shabaabka dadban kuwaasi oo iyagu fudeydiya fulinta falalka argagixiso.
2) In dawladdu aysan ba wax dan ah ka lahayn suggidda amaanka Muqdisho oo dadkii masuuliyaddaas lahaa ay ku jiraan siyaasado iyo xaalado kale oo gaar ah.

Labadan qodob haddii ay jiraan waa arrimo halis ah; una baahan in si degdeg ah loo la xisaabtamo cidda masuuliyaddaas leh.

Macquul maahan in amniga caasimadda sugitaankeedu uu adkaado, maalin walba waxaan maqalnaa dhalinyarro ayaa tabobbar u soo idlaaday, haddana lama arko meel ay aadaan oo wax kale iska daayee xitaa waxay sugi kari la’ayihiin amniga caasimadda.

Malaayiin doollar ayaa ku baxa ciidamada ammaanka muqdisho.
Arrinta sugidda ammaanka Muqdisho waa arrin ay fari ku godantahay, waxay dad badani shaki ka qabaan qaraxyada hadd iyo goor shacabka lagula beegsanayo meelaha aadka muhimka ah .

Maxaa ka qaldan xoreynta dalka? 

Waxaan liqi la’ahay in kooxda daciicfka ah ee Al-shabaab laga xoreyn la’ayahay deegaanada ay haystaan, waxaan is weydiinayaa su’aalo fara badan oo ku saabsan sababta keentay in Al- shabaab oo 2,000 kun oo wiil ka yar, dawladdana ay ciidamadeeda diwaanka gashan ku sheegay 9,000 oo waliba aad u qalabaysan marka loo eego dhanka kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab, oo ay taageerayaan ciidamo dhan 20,000 ee AMISOM, oo ay ku baxdo sanadkii I billion ( $ 1 billion) oo doolar, sababta loo soo af jari waayay oo looga xoreyn waayay Al Shabaab goobaha ay hasystaan, ee ay ka soo abaabulaan weerarada.!

Su’aalaha aan anigu xoreynta dalka iska weydiinayo cid iig jawaabta ma hayo, balse waa laga yaaba in cidda ay khuseyso cudur daaro keen san karaan. waa habartii tiri; ” gabadhayda ninkaas feeraha wayni kama dhali waayine hagrashaa jirta”, sidaas oo kale waxaan aamminsanahay in Al-shabaab aan laga adkaan kari waayin balse ay hagrasho jirto sabab kasta haku timaaddee. Waxaase muhiim ah in cidda masuuliyaddaas leh ay maanka geliso in jiritaanka kooxda Al Shabaab ay tahay qocandho ku muddan dawladnimadeenna.

Gunaanad

Guntii iyo gabagabadii waxaan rabaa in aan cid walba oo masuuliyad ay dalka Soomaaliyeed ka saarantahay aan u sheego, cidda masuuliyadu saarantahay maahan keliya kuwa madaxda inoo ah ee majaraha dalka u haya, waxaan u jeedaa oo la hadlayaa cid walba oo mustaqbalka dalkaan rejjo ka leh oo dooneysa in ay dhaxal lagu tannaado ay kuwooda dambe uga tagaan ,waxaan anigu leeyahay ; Soomaaliya waa guri aynu wada leenahay nadiifinteeda iyo qurxinteedana waxaa waajib ah in aan masuuliyad isaga saarno sida ay gurigeenna masuul uga nahay. Haddii aynu sidaas yeeli wayno waa in aan gaawaha u culannaa; nolosha dugaagga ee aan turidda iyo tabasho gudbintaba lahayn.

W/Q: Yacquub Xayir
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.