Muqdisho, Okt. 01, 2016 (WDN)- Wararka aan ka helayno magaalda Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaiya ayaa sheegaya in goor dhawayd weerrar ismiidaamin ah lala beegsaday makhaayadd ku taal agagaarka taallada Xaawo Taako oo aan wax badan ka durugsanyn xarrunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Weerrarka oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la sheegayaa in uu geystay khasaare naf iyo maalba leh inkastoonaan weli heli tirada dadka ku waxyeelloobay qaraxaas.
Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in goobta uu qaraxu ka dhacay laga maqlayay rasaas goosgoos ah iyadoo ay halkaasi gaadheen ciiddamada dawladda iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah ee caafimaadka.
Soomaaliya oo xilligan maraysa marxalad xasaasi oo kala-guur ah, lana filayo in dhawaan laga qabto doorashooyin kala duwan oo xilligoodii dib uga dhacay, ayaa ammaandarro ku sii siyaadaa ay keeni kartaa dib u dhac kale oo ku yimaadda doorashooyinkaas.
Urrurka argagixisada ah ee al Shabab ayaa isagu dhawaan ku dhawaaqay in uu sii kordhin doono dagaallada uu kaga soo horjeeddo dawladda iyo ciidamamada AMISOM ee taageera si uu u fashiliyo qabsoomidda doorshooyinkaas..
Wixii warar ah ee ku soo kordha arrintan gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa.
WardheerNews
