Muqdishu (WDN)- Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari lagu soo raray walxaha qarxa, ayaa ka dhacay Jidka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdishu. Weerarkaasi ayaa lala beegsaday ka soo horjeedka Shineemo Soomaali oo ay ku yaallaan goobo ganacsi, sida maqaayad iyo hotel.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay maqaaxi lagu magacaabo Baar Italiano oo dad badan ku qaxweeyaan galbihii iyo subixii.
Maqaayadda Baar Italiano Coffee ayaa ku dhow dhismaha xarunta Waaxda Socdaalka ee gurigii Shaqaalaha ee wadada Maka Al Mukarama.
Sida ay WardheerNews u sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta Qaraxa uu ka dhacayay, qaraxa ayaa geystay khasaare 8 dhimasho ah iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad rayid ah, in kastoo aan la ogeyn tirade dhabta ee dadka ku dhintay ama waxyeeloobay weerarka ismiidaaminta ahaa.
Inta badan maqaayadaha ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay bartilmaameed u noqday qaraxyada loo adeegsado baabuurta oo ay mas’uuliyadiisa sheegato Al-Shabaab.
Wixii warar ee ku soo kordha Qaraxa kula soco wardheernews.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho
Leave a Reply