Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdishu

Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdishu

Muqdishu (WDN)- Qarax Xoogan ayaa goor dhow ka dhacay Isgoyska Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa sida ay dadka deegaanka u sheegeen Wardheernews mid loo adeegsaday Gaari nooca Xamuulka qaada,waxaana ka dhashay qasaara isugu Jira dhimasho iyo dhaawac dad ra’yid ah .

Qaraxa ayaa sababay dhimashada dad lau qiyaasay15 qof, waxaana ku  dhaawacmay in ka badan intaas.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in ay aheyd meel dad badan ay joogeen uuna ku yaalay suuq, waxaana qaraxaasi ka dhashay ka sokow qasaaraha Nafeed mid hantiyadeed.

Saraakiil u hadashay dowlada ayaa qaraxa ku edeeyay maleeshiyaadka Al Shabaab oo ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho