Muqdisho (WDN)- Qarax xooggan ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan ciidan Soomaaliya oo ku sugnaa bar kantorool oo ku taala duleedka degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle, halkaas oo uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheeegay in 3 askari oo ciidamada xoogga Soomaaliya ay ku dhinteen qaraxaasi tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen, qaraxani aayaa xooggiisa waxaa laga wada maqlay degmada Buulo Burde.
Qaraxa ayaa ahaa nooca fogaanta laga hago, waxaana qeyb uu ka yahay weeraro dhawaanahanba kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ku qaadaysay xarumaha fadhiisinka u ah ciidanka dowladda iyo kuwa hawlgalka midowga Afrika ATMIS.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale maalmihii u danbeeyey waxa ay gobolka Hiiraan ka wadeen hawlgalo lagaga hortagayo maleeshiyaadka argagixisada ah ee Alshabaab oo maamulka Hirshabeelle fadhiisano xooggan ku leh.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
