Qarax saaka ka dhacay Kismaayo

Qarax saaka ka dhacay Kismaayo

Qarax ayaa saaka lala beegsaday saldhigga ciiddanka Booliska ee magaalada Kismaayo, xili ay ku sugnaayeen dad badan oo ra’yid ah.

Qaraxaasi ayaa  la sheegay in uu ka dashay bam la dhigay saldhiga Booliska, halkaas oo ay ku dhinten 4 qof oo isugu jira laba wiil iyo laba gabdhood. Tirada dadka dhaawaca ayaa la sheegay in ay ku dhowdahay ilaa toban qof.

Kooxda xagjirka ah ee Al shabaab ayaa sheegatay in ay iyagu ka dambeeyeen qaraxan maanta ka dhacay magaalada Kismaayo.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli lagu wado maalinta berri in ah uu booqasho ku yimaado madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo magaalada Kismaayo, ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Magaaalada Kismaayo ayaa iyadu ahayd magaalo uu ammaankeedu aad u fiicanyahay iyadoo maamulka Jubbaland na uu si aad ah isugu taxaluujiyay sidii loo sugi lahaa ammaanka magaalda, si ay shacabku si cabsi la’aan ah ugu noolaadaan magaalada.

WardheerNews, Kismaayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.