Muqdishu (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Lafoole ee dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye, ayaa sheegaya in qarax miino kuwa dhulka lagu aaso uu qabsaday gaari kuwa dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka, kaasoo gebi ahaanba bur buray.
Wararka qaraxa ayaa waxa ay sheegayaan in uu qaraxaasi ka yimd Miino lagu aasay wadada .

Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in ay ku dhinteen qaraxaasi dad gaaraya ilaa iyo 12 ruux, halka tira kalana ay ku dhaawacmeen. Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ahaa Aabe iyo labo caruur oo uu dhalay, kuwaasoo ku jiray rakaabkii saarnaa gaariga sida ay ilo wareedyo u sheegeen Wardheernews.
Ciidanka Amanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka ay mashaqada ka dhacday, waxaana la sheegay in muda kooban ay sameeyeen Howl galo in kastoo aan la shaacin in dad lagu soo qabqabtay iyo in kale.
Goobta qaraxa ka dhacay oo aheyd bartanka Laamiga ayaa noqotay mid aad u qodantay, waxaana qaraxa uu ahaa mid aad u cuslaa ama u xoogganaa.
Majirto cid sheegatay ilaa hadda musuuliyada weerarkaas in kastoo saraakiisha Amaanka ay ku edeyeen in ay ka danbeyso weerarka kooxda Al-Shabaab.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho