Muqdisho (WDN)- Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Muqdisho, kaasi oo ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay qeyba badan oo ka mid ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Qaraxa ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lala beegsaday maqaayad ku taala degmada Xamar Weyne ee gobalka Banaadir.
Sida ay warar ku sheegayaan ugu yaraan 10 qof oo ah dad Shacab ah islamarkaana saarnaa gaari Caasi ah, ayaa ku dhintay, halka dhaawaca la sheegay in uu ku dhaw yahay 20 qof.
Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa maqaayadda Isisaar iyo Ajabka Shidaalka ee Bacadlaha Xamar-Weyne ka xiga dhanka Qorax u dhaca.
Qaraxa ayaa sidoo kale la sheegay in lala eegtay xili goobta qaraxu ka dhacay ay dad badani ka ag dhawaayeen, madaama ay kaabiga ku hayso goob laga raaco gaadidka dadweynaha oo ay xilligaas aad mashquul u aheyd.
In sha Allah wararkeena danbe kula soco wix ii ku soo kordha qaraxaaasi
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho
Leave a Reply