Waxa goor dhaweyd qarax lala beegsaday gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir Md.Faarax Daahir , xili uu ku sugnaa gudaha degmada Xamar Weyne ee gobalka Banaadir.
Gudoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir ayaa xaqiijiyay jiritaanka qaraxa, waxa uuna sheegay in qaraxa uu ka dhacay gaari uu watay Md. Faarax Daahir
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaawac soo gaarsiiyay Faarax Daahir, iaa hadda lama oga qasaare kale oo uu qaraxaasi geystay.
Qaraxan ayaa imaanaya xili dhawaan Al-Shabaab ay ku hanjabtey in ay beegsan doonaan masuuliyiintii hore ee maamulka degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana arintan ay cabsi badan kusii beereysa gudoomiyaasha xilka laga qaaday.
Sidoo kale qaraxa ayaa waxa uu imaanayaa xili habeen ka hor ay kulan kula qateen Madaxtooyada gudoomiyayaashii hore ee maamulkii gobalka Banaadir Madaxweynaha Soomaaliya Md Xasan Shiikh Maxamuud, iyaga oo kala hadley xaalada amni ee maamulkii hore ee gobalka.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews
Muqdisho
Leave a Reply