Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Qarax iyo weerer lala beegsadey Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho

Muqdishso (WDN)- Weerar ku bilawdey qarax xooggan ayaa ka dhacey hotelka Xayaat ee isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac aan wali laheyn tirada rasmiga ah. Waxaana xigey in maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan xarakada Alshabaaab ay gudaha u galaan Hoteelka oo ka mid ahaa hoteelada ugu nabdoon ee magaalada Muqdisho.

Qarax iyo weerer lala beegsadey Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, oo illaa iminka lasoo sheegayo in kooxdii gudaha u gashay hotelka ay aad u dagaalamayaan. Waxaa lasoo sheegayaa saraakiil sare oo ciidamada amaanka ka tirsan in ay ku dhaawacmeen weerarka.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatey masuuliyadda weerarkan, waana weerarkii ugu horeeyey oo sidaan oo kale ah oo kooxdu ku qaado hoteelada waa wayn ee Muqdisho, tan iyo doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.