Boosaso, Disember 05, 2013 (WDN)- Warar faahfaahsan, ayaa ka soo baxaya qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta barqanimadii lala beegsaday kolonyo gawaari ah oo siday ciiddamo ka tirsan kuwa Puntland, gudaha magaalada dekedda ah ee Boosaaso.
Weerarkan oo loo adeeegsaday baaruur lagu soo rakibay walxaha qarxa, ayaa la sheegayaa in uu geystay khasaare naf iyo maalba leh.
Warsaxaafaddeed ka soo baxay xarrunta madaxtooyada Puntland, ayaa lagu cambaareeyay weerarkaas. Warsaxaafaddeedka, ayaa sidoo kale lagu xusay in wararka hordhca ah ee laga helayo weerarkaasi ay tibaaxayaan in ay naftooda ku waayeen weerarkaas dad ay tiradoodu gaadhayso 7 ruux, oo afar ka mid ahi ay yihii rayid, halka saddexda kalena ay ka tirsanyihiin ciiddamadii gawaadhida weerarka lagu qaaday saarnaa.
Warsaxaafadeedkan ay soo saartay dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa waxaa kaloo lagu xusay in dad tiradoodu gaadhayso 37 ruux ay ku dhaawacmeen qaraxan maanta ka dhacay magaalada Boosaaso. Dadka dhaawacmay, ayaa isugu jira 31 ruux oo shacab ah iyo 6 qof oo ciiddamada ka tirsan sida lagu sheegay warsaxaafaddeedka.
Ammaanka deegaannada Puntland, ayaa waayadan dambe laga dayrinayay iyadoo sannadka foodda innagu soo haya horraantiisana la filayo in ay Puntland ka qabsoonto doorashada madaxweynenimada oo hadda ololeheedu socdo.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay qarraxan, haseyeeshee sida looga bartay waxaa farta lagu wada fiiqayaa in ururka xagjirka diineed lagu tilmaamo ee Alshabaab ka dambeeyo.
WardheerNews