Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Qasaare ka dhashay

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Qasaare ka dhashay

Muqdishu (WDN) – Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay saxaafada, ayaa sheegay in gaari laga xidhay walxaha qarxa ay ciidamada Ammaanka gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen gaariga iyo ninkii waday. Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid. Waxaana uu intaa ku daray in wadaha gaariga ee la qabtay uu sidoo kale uu ku hubaysnaa Bastoolad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenku in gaarigu uu qarxay intii gacanta lagu hayay oo ciidamada Miino baarista ay baaritaanka ku wadeen.

C/fitaax Cumar Xalane ayaa xusay inuu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa gaariga ciidamada amnigu ay qabteen.

Warar intaasi ka badan wali lagama hayo gaarigaasi maanta ku qarxay xaafadda Suuq Bacaad ee Yaaqshiid mana jirto cid wali sheegatay masuuliyada weerarkaasi.

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.