Qaran iyo Qabiil (Buug Cusub)

Qaran iyo Qabiil waa buug cusub oo uu qoray Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne). Buuggan waxa uu qoraagu si xeeldheer ugu soo bandhigayaa sida aanay marnaba suurtogal u ahayn in qaran iyo qabiil isla jaan qaadi karaan.

Qabiilka oo la isla wada qiray in uu yahay aafo weyn oo ku habsatay ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayaa haddana buuggani waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa isdiidooyinka ka dhex jira qaranka iyo qabiilka.

Rashiid Sheekh Cabdillaahi waa qoraa ruugcaddaa ah in badanna wax ka qoray arrinta Qaran iyo Qabiil. Qoraagu waxa uu hore u qoray buugga Adduun iyo Taladii iyo kuwo kale.

Haddaba haddii aad danaynayso buuggan wixii faahfaahin ah waxaad kala xidhiidhi kartaa shirkadda daabacday ee Ponte Invisibile amaba qoraaga laftiisa.

Email: rshid.dalla@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.