W/T Faarax Cali Gamuute
Wax la yidhi Cigaal Shidaadoo sidaa jirjirka ugu jiifa, ayay wax dul rooreen. Qoob iyo qaylo intuu isku daray, ayuu ka haw yidhi. Waa la soo dayay. Subxaanyaa qac indhaha lagu siiyay. Fartaa loogu goday. Isna yidhi, la yidhiyaa: “Subxaanyada waan arkaa, inayse laabtaydu halaq mareen noqoto ayaan ka baqi.” In loo sii nuuriyay ma moodaa! U se badiye, Alle u naxariisaygii Cabdullaahi Suldaanna[1] waxaa laga reebay:
“Miiraalaha hortii baa guryaha, la iska moosaaye
Mareegtaaba loo sii guntaa, maqasha nayloode”
Waa runtii.loo noqon maayo. Meel la taabtoo madax ka saraysana lama sheegin.Waa sida oo ‘may tidhida’ ayaan, anna uga gol leeyahay.
Galshamiirkana
Nin gardaadshoon
Gedmanayn baa
Giraangiriyee
Gooba xararkiyo
Gadaan-dhabashada
Waxay guushoy
Gobo’laysaba
Gororkeediyo
Gunta arartiyo
Guluckeeduba
Waa gaddaasiye
Gabay baa yidhi:
Heegadu mar bay qaawan tahay, oo qalbacu muuqan
Amin kale daruur baa qamsiin, qaydarrada buuxin
Qabawgiyo kulaylkays bedela, waase laba qaabe
Nin qayuur ismoodoo adduun, qaaq wax kaga siiyay
Iyo wiil is qaadaba mar buu, qonof la duulaaye
Qalwadii madoobayd mar buu, qamar ka nuuraaye
Ninka godobta laba qaadayow, waa qardiyo daynne
Qaaxada sideeday guyaal, gaadhka kaa qabanne
Qayrkii nin loo xiirayow, qoyso baa xigiye
Afartaa intaan qiil u dayay, aag ma qabadsiiyay
Qof wixii la tuur lihi mid kale, waw qurxoon yahaye
Waayeel il qoodh maalayoon, qabarna seegaynin
Dan qunsina magaalada u yimi, qaradna uu keenay
Iyo qaafa dumar baa dhexood, qaamud soo galaye
U dedaal qariibkay is tidhi, qalana yuu dhaadin
Qaxwe daraya kimis diiranoy, gaari qalabaysay
Ukuney qorkii uga gurtay, qac uga soo siisay
Isna yidhi anoon khayr qabaay, qalad ku saaraynin
Beledkaa qaboonada shimbiro, lagu quraacdaaye
Ugxan iyo ma quudsado digaag, qaadh ka soo go’aye
Meeshey qadhaabsiga tagtaan, qaaliyeey garane
Xaal qaado gole joog marleey, qaadhan baa tahaye
Qisadaa ninkii maaxiyee, qoortay wuu heliye
Shanta qoysba uu qoys ku shido, yaa shan neef qaliye
Qaaraan shan miilaysatoo, qawlka ku heshiisay
Shansha qudha ayay meertadiyo, shidhada qoondaynne
Xaajaba nin moog baa qarriba, talana qaydhiinne
Keligii qumane toocsadaa, qarar ka sii tuurye
Qabashada intay leedahaa, qool la galiyaaye
Qoontii irmaan bay faruhu, sii qumbiciyaane
Qanjabarar ayaa laga dhaxlaa, aamuskana qaare
Eraygii qun loo yidhi mar buu, qaanta bixiyaane
Qadafkaan jawaabtiisa helin, qoobka kugu roori
Afartaa qormaba waa qormee, loo qotomi daarka
Afar kale run lama qaadhiyee, qaadan kari waaga
Qodaxdii la riixee hilbaha, hoos u sii qodatay
Qafalkeedi bay muuqda oo, loo qunyari waaye
Qasti iyo ujeedaa tix gabay, lagu qalqaalaaye
Qalbigaba midaan jirin rag baa, qalin daraalaynne
Anse deden qarsoon bay ka iman, qayla dhaamaduye
Dhaayuhu qajeeley arkeen, qoonsimaad badanne
Dhegahana qadhaadh baa ku go’an, sida qadhoontiiye
Qarqaradu culays bay sidaan, aad u qaraweynne
Qabyadaan dhammays tiri lahaa, layga kala qaarye
Dhinacyada raggii qaban lahaa, qayb dhan baan tebaye
Jedenkaa qardoofada malmalan, saaran qalabkiiye
Wax la yidhi ninkii cudur qabee, sii qarsaday eedye
Qorragii la buux dhaafiyaan, qubasha daynaynne
Qarka saydhi goortaan morkaha, daarku qabanaynne
Riyahaa ka siin qabax markay, qabo u daadshaane
Guruxana qambaar baa dirsada, oon qab loo dhigine
Marka laba is qooraansatuu, haybsan jabal qaafe
Xuunshaa qandoodoon war helin, qawda ka horoowe
Qalimaale awrkuba kaliil, sabarka sii qooxye
Qutubsiga wax lagu tiigsadaa, meel ku qaayibiye
Taariikhda qoonkii suntada, een qalbigu maydhmin
Yaa hela qabaal kabashadii, oo qorshayn kara e
Qad madow se duulkii cabee, uu qalalo maanku
Ee kula qaloobiya degmada, qaalin kala raaco
Ee gacan la qayraamiyaa, qaalib u ahaato
Een miyir ku qaadaa-dhigayn, quduro weeyaane
Qusur oodan iyo baan is hurin, saan qalqaalidaye
Wax qasuubo kuu soo wadara, qawsar kuu yimiye
Qallad buuri lagu sheegayoo, baakidh lagu qaato
Huubada qushaashkiisa iyo, qaayiskiyo haashka
Bacda qaadka iyo caagadaha, qaati laga joogo
Qashinkiyo qashaabiirka iyo, qalaxda maarawday
Ee lagu qubaa dhalan rogoo, qoolay sabadiiye
Bar aboodi qaankiisa dhigay, yay la qaab tahaye
Dhaqankana quruumaha adduun, qolaba waa caynne
Qalin-shubato loo loog duntii, loo qarridhay heelkan
Ee uu qoraalkeedu yiil, qoorriyada laalan
Oo wadhida qaangaadh hayaa, qaday ku uugaanye
Lay weri qasaaraha fijaan, qaabil lagu maalo
Qodob kalana dacar qooshan baa, lay qasaasilaye
Qori baa malaa iigu dhacay, sii qudhqudhinteede
Af quraarta soo looshadoo, aan qorka hambaynin
Iyo daan qadhiidhay dhirtii, kula qamaameenne
Qudhacii ma nooliyo galool, qadaw hagoogtaaye
Ganta siibe mudankii qormada, loogu saday qaybe
Damalkaan la quudhayn tegyoo, wuu quluushadaye
La quwaaxsay geedaha intii, qiima ka lahayde
Qasaxiyo maraagii mar hore, loogu qalafsiiye
Jillabkaan qadaar badan lahayn, waa la quudsaye
Gudmo qalaxtamaayaa arlada, looga qaxayaaye
Ka qataabsay cawl falag u daya, qayrab jira bawdo
Galawguna qarracan aawadii, wuu qaldhabayaaye
Qobtolkuu gilgilay baa la yidhi, qoduhu loolkiiye
Oo sagal qayanihii malluug, qaarad kale aadye
Oo qodax sideeduu indhaha, qaacu mudayaaye
Qiiq bay hingalatoo hawadu, waa qayirantaase
Ka qalaalan degelkii sitaac, quruxna loo diidye
Garan-waa qanjaafula xun baa, qoolashii degaye
Loo qayd galgalintii bogaad, firi qambooleede
Quus baa la soo tebinayaa, laabtu qaraxdaaye
Balse yaanan meel bay qaq lehe, xanafta qiiroonne
La ye mooye qooqaarashada, keli nin qoondaystay
Qab qab dhaafay bay eersatiyo, wiil qardhaasa lehe
Qadan baa sarriigtoo ku dara, tay qiyaas noqonne
Qadhadh tiisa uun loo candhabay, male qaneecaade
Labadaba dixyaal laga qafilay, qadhabi loo daaye
Qoyskii hadhiina a tukuhu, wuu qulqulataynne
Ilkahoo qoslaayaa haddana, uubta kuu qodiye
Oo macandadaa lagu qatali, fool qayaxintaase
Wax la yidhi qayood faana-gurad, bogox ku qaydqayday
Iyo iil qudhii lagu ridaan, soo qadaad roganne
Qandha turuqday weeyaan hiyiga, qarash hor boodaaye
Maba noola qaash lagu taftaaf, quud hogaaansadaye
Qumbe dhaansigiisiyo intuu, qawlalada doojin
Uu quruska maacuudintii, qumanka sii yuubi
Ee uu hadh qoodaalka iyo, gurada qoolaalin
Yuu qaran jabaayoo xilkuu, qaaday gorof haaway
Oo qaaqle waalwaalan iyo, qawle ka adeegye
Qayrkiina hebelkii sandahan, qabo u meeleeye
Oo qaafil baa leex dallagan, lagu qulaanshaaye
Dibna been quruuruxinayaa, qoobadii rogaye
Ii goo qannaac baa yaqaan, oo qabsada seede
Saakana inaan qalad sax dhalin, laysu qiri waaye
Waa qulub daraadii waxay, qoor la hogataaye
Ruuxii qaboonada lumaa, waa qarfa u jooge
Niyadduna qofkaan hee aqoon, way ka qanacdaaye
Waa taa qaloocii ku hilan, qaabadii shalaye
Laba aan is qaabilin miyaan, laga qatoobayn
Faarax Cali Gamuute
Email: farahgamute@gmail.com
———
Tixraac
[1] Timacadde
Leave a Reply