W/T Abwaan Maxamed Hiirad
Gabaygan Qabyaaladdiid waa gabay aan ku tix gelinayo abwaankii caanka ahaa Alle naxariisti jano ha siiyee abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima Cadde, oo si kooban kelmado dhaxal gal noqday ka yidhi Soomaalida iyo qabyaaladda. Gabaygaa Tima Cadde waxaa ka mid ah meeriska “dugsi maleh qabyaaladdi, waxay dumiso mooyaane”
Abwaanku gabaygaa wuxuu mariyey waqtigii ay Soomaalidu ugu qabyaalad yarayd oo ahayd 1964- 65 tii. Hadduu Tima Cadde maanta joogi lahaa oo ay ka soo wareegtey 50 sannadood, tolow muxuu odhan lahaa? Hadduu sidayda oo kale maalintaana joogay wixii ka dambeeyey oo dhanna ogaan lahaa: xasuuqa , qaxoontiyada, raja beelka, dhaca iyo boobka , oo xaadir ahaan lahaase muxuu odhan lahaa?
Aniga siday ila tahay maba hadleene waa aamuse lahaa, oo isha ayuu mirig ka siin lahaa.
Gabaygana Qabyaaladdiid wuxuu sheegayaa abwaan Tima Cadde ildheeridiisa iyo in hadalkiisu ahaa digniin, wax soo socda. Waana aragnaa wuxuu ka digayey.
Tuducyada ugu dambeeya waxay ka warramayaan sida uu Ebbe inoogu sheegay Qauraanka Kariimka ah, suuradda Cabasa (aayadaha 33 – 37) in Aakhiro oo iyadu lama huraan ah, qabyaalad daaye qof waliba ka carari doono aabihi, hooyadi, caruurtiisa, walaalihi, iyo axsaaibtiii .Iyadoo maalintaa qof walba dhibkiisu gaar u yahay,
Gabayga waxaan ku hal qabsaday Cabdi, oo ah saaxiibkay Cabdikariim Cabdirahmaan X. Xasan.
Qisaduu abwaan qaali ahi, geliyey qaamuuska
“Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane”
Qiyaastuu ka wadey haatanay naga qarsoonayne
Qarqarsigan Ibliis nagu qabtaye, nagu qasbee taagan
Qabbirada lugaha noogu xidhan, qoofalka adkaaday
Ee qoorta noo sudhan sidii, qoolka kiristaanka
Ay naga qashaafeen dadkii, qaaradaha joogay
Qaxarkiyo dhibaatadu Cabdow, waa qabyaaladda e
Qalalaasahaa taagan iyo, qaladdadaa raagay
Qaranimo la tuuray oo dadkii, qoorta laga gooyey
Ubadkaa qushuucsane addoon, xero u qoondeeyey
Qurbahaa la soo sahansadee, qolobo meel aadday
Baddan lagu qarqoomaye Cabdow, waa qabyaaladda e
Iingiriis siday qaar yihiin, qaybintaa darane
Qoqobaha kuwaa soo xidhaye, qoobadda xariiqday
Isla qumanayaashaa dunida, qaladka gadhsiiyay
Anagana qamuunyada ilkaha, qam isku siinaaya
Waxay annaga nagu qoonsadeeen, waa qabyaaladda e
Dad qarriban ma qaataan xaqiyo, qawlka Eebahaye
Quluubtooda waa laga xidhaa, qayrka oo idile
Haddaad qaylisaan iyo haddaad, qalin darraysaanba
Marna kuma qancaayaan murtida, qarada waaweyne
Lagala quusay dhegihii qafilan waano loo qoro’ e
Maalintii qiyaamuhu dhacee, qaadir la hor joogo
Dadkoo qaawanaan tuban markaan, cidi qarsoomaynin
Ee qaaba qowseen khalqiga, qorraxda loo keeno
Qareen uma diraayaan dadkii , qaali la ahaaye
Kuwa kala qarsoonaanta jecel, waa qaraabade eh
W/T Abwaan Maxamed Hiirad
Email:mohamedhiirad@yahoo.com
Leave a Reply