Qabanqaabada shirka dibuheshiisiinta Koonfur Galbeed oo socota iyo MW Xasan oo lagu wado inuu furo shirkaasi

Muqdisho, (WDN)– Warar aan ka helnay ilo ka tirsan madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya, ayaa sheegaya in madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu gaaro xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu ka furi doono shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo dhawaan la filayo in uu halkaas ka dhaco.

Shirkan oo qabanqaabadiisu heer gabagabo ah mareysa, ayaa waxaa hore ugu dhawaaqay madaxweynaha maamulkaasi  Cabdicasiis Lafta Gareen iyo guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) kadib wadahadal dheer oo ay yeesheen si loo soo afjaro khilaafka u dhaxeeya maamulkaasi iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada oo hordhac u ah safarka madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa saacadaha soo socda loo daabulayaa magaalada Baydhabo si ay u sugaan ammaanka xarunta lagu qabanayo shirka dibuheshiisiinta Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu soo afjaro khilaafka gaaray gacan ka hadalka sababey dhimashada iyo dhaawaca ee dhexmarey ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiin mucaaradsan maamulkaasi, waxaana dadaalo badan oo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dawladda federaalka lagu guuleystay in xiisadda la qaboojiyo lagana warsugo natiijada shirka dibuheshiisiinta.

Xiisadda ka aloosan magaalada Baydhabo ee u dhaxeysa madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka dhalatey muddo-kororsi uu qorsheynayo madaxweyne Lafta Gareen oo waqtigiisu ku ekaa 19-ka bishaan Diseembar, waxaana mucaaradku dalbanayaan in la abaabulo doorasho xalaal ah oo madaxweyne cusub lagu soo doorto.

Maxamed Cumar Sh. Aadan

WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.