Muqdisho, Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha dawladda F. soomaaliya ayaasheegay in la qabandoono doorashada 15-ka bishaan May.
Doorashadaan ayaa haddii ay suurtogasho in ay dhacdo waqtiga guddiga u asteeyey, waxa ay soo afjareysaa dib u dhac ku yimid sanad iyo 3 bilood oo sababay khilaaf siyaasadeed oo dhaliyey isku hor imaadyo hubeysan oo ka dhacey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Inta la ogyahay 20 musharax ayaa u taagan doorashada xilka madaxweynenimada dalka oo ay ku jiraan madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxdii ka horeysay ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo raisalwasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre.
Dhanka kale Goor sii horeysay oo shalay ahayd ayey guddiga iskudhafka ah ee doorashada madaxtinimada dalka waxa ay iska dhex doorteen guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.
Cabdiqani Geelle Maxamed ayey guddiga u doorteen guddoomiye isagoo helay 10 cod halka mudanayaashii la tartamayey oo kala ahaa Maxamed Axmed Beerey uu helay 5 cod, senetor Cabdi Ismacil Samatar isna uu helay 2 cod.
Sidoo kale waxaa guddoomiye ku xigeen loo doortey Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed oo helay 9 cod. Halka mudanihii la tartamayey oo ahaa Maxamed Ibraahim Macalimow uu helay 7 cod.
Maxamed Cumar Aaden
Wardheernews, Muqdisho.