Puntland oo ka hortimid hindise sharciyeedka Batroolka 

Muqdisho (WDN)- Dowlad Gobolleedka Puntland ayaa si cad u sheegtey in ay kasoo horjeedo hindise sharciyeedka Batroolka Soomaaliya ee hore golayaasha dawladu u ansixiyeen, waxa ayna tilmaamtey inuu ka hor imaanayo dastuurka KMG ah ee dalka u yaala.

War saxaafadeed kasoo baxey madaxtooyada Puntland oo ay heshay shabakadda Wardheernews ayaa, lagu sheegay in hindise sharciyeedkaasi uu  yahay mid baalmaraya dastuurka KMG kaasi oo tilmaamaya in kheyraadka dabiiciga dalka qeybsigiisa loo maro wada is afgarad iyo wada tashi ku salaysan.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hindisaha Batroolka Soomaaliya uu ka hor imaanayo dastuurka dawlad goboleedka Puntland, kaasi oo dhigaya in maamulka Puntland uu mas’uul ka yahay ilaalinta iyo horumarinta kheyraadka ku jira baddeeda. Waxa sidoo kale qoraalka madaxtooyada Puntland lagu sheegay in hindisahan uu ka soo horjeedo is afgaradkii dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe ee la gaarey sanaddii 2018, kaasi oo la isku wada waafaqay hab maamulka iyo lahaanshiyaha dakhliga kasoo xarooda kheyraadka dabiiciga ah.

Qoraalka madaxtooyada Puntland ayaa digniin u ah dawladda federaalka iyo shirkadaha ay heshiiska kula gaartey baarista iyo qodista shidaalka, waxaana tani ay keeni kartaa in shirkadaha caalamiga ahi ka laabtaan heshiisyadaasi haddii is afgarad aan arintaan laga gaarin.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho