Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Puntland oo ka hor timid Guddiga Wada hadalada Soomaaliya iyo maamulka Somalind

Garoowe, Puntland- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay had iyo jeer u taagantahay, soona dhowaynaysaa Midnimada iyo dedaalada dhismaha Dowladnimo iyadoo la marayo sida uu qabo Dastuurka kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba, Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay qaadacday magcaabidda matalayaasha wadahadalada Xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Puntland  waxay caddaynaysaa in hannaanka loo maray magcaabista Matalayaasha aysan waafaqsanayn Dastuurka Ku meelgaarka ah, lana hareer maray  qodobkiisa 53aad farqadiisa 2aad oo u dhigan sidatan: “Marka ay wada-xaajoodyadu sigaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad-goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka”.

Dowladda Puntland horay bay u caddaysay mowqifkeeda ku aadan wadahadalada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka ah, kaasoo ahaa in qadiyaddaasi ay sigaar ah u taabanayso Dowladda Puntland iyo Maamulka Somaliland.

Haddaba si looga gaaro wadahadaladaas xal waara oo miradhala waa in Dowladda Puntland ay qeyb mugleh ka qaadato dedaalada iyo wadahadalada lagu baadi goobayo xal u helista qadiyada Puntland iyo Somaliland.

Ugu danbeyn Dowladda Puntland waxay Beesha Caalamka iyo cidkastoo daneynaysa arrimaha Soomaaliya la socodsiineysa, in Guddiga la magacaabay ay caddeyn utahay in aan la rabin xal iyo wadahadal dhab ah, wixii ka yimaadana waxaa  masuul ka noqonaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.