Garoowe, Puntland- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay had iyo jeer u taagantahay, soona dhowaynaysaa Midnimada iyo dedaalada dhismaha Dowladnimo iyadoo la marayo sida uu qabo Dastuurka kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Haddaba, Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay qaadacday magcaabidda matalayaasha wadahadalada Xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.
Puntland waxay caddaynaysaa in hannaanka loo maray magcaabista Matalayaasha aysan waafaqsanayn Dastuurka Ku meelgaarka ah, lana hareer maray qodobkiisa 53aad farqadiisa 2aad oo u dhigan sidatan: “Marka ay wada-xaajoodyadu sigaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad-goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka”.
Dowladda Puntland horay bay u caddaysay mowqifkeeda ku aadan wadahadalada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka ah, kaasoo ahaa in qadiyaddaasi ay sigaar ah u taabanayso Dowladda Puntland iyo Maamulka Somaliland.
Haddaba si looga gaaro wadahadaladaas xal waara oo miradhala waa in Dowladda Puntland ay qeyb mugleh ka qaadato dedaalada iyo wadahadalada lagu baadi goobayo xal u helista qadiyada Puntland iyo Somaliland.
Ugu danbeyn Dowladda Puntland waxay Beesha Caalamka iyo cidkastoo daneynaysa arrimaha Soomaaliya la socodsiineysa, in Guddiga la magacaabay ay caddeyn utahay in aan la rabin xal iyo wadahadal dhab ah, wixii ka yimaadana waxaa masuul ka noqonaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND