Puntland oo hakisay dhamaan xidhiidhkii Dowladda Federaalka Soomaaliya

Garoowe (WDN)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Md. Cabdiwali Gaas ayaa isugu yeedhay shir aan caadi aheyn Golaha Wasiiradda Puntland maanta, oo ku beegan Sebtember 11, 2018.

M/weyne Cabdiwali Maxamed Cali

Shirkaasi ayaa lagu sheegay in iyada oo la fulinayo go’aamadii shirkii Kismayoo  Sebt 4-8, 2018, ee Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada, in Puntland ay hakisay dhamaan xidhiidhkii ay la laheyd Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan ay yeesheen Golaha Wasiiradda Puntland, ayaa lagu go’aamiyay oo la faray dhamaan Wasaaraddaha iyo Hayddaha Puntland, in aysan wax xidhiidh iyo wada shaqeyn ah la yeellan Dowladda Dhexe.

Waxa iyana sidoo kale go’aanka hakinta xidhiidhka DFS horey baraha bulshada ( Social Media), ugu faafiyay Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dowladda Federaalka ayaa ilaa hadda aan ka hadlin arinta xidhiidhka sii xumaanaya iyo go’aanka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu ku hakiyeen wada shaqeyntii.

WardheerNews

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.