Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Puntland Focus Group [PFG]: Mashruuca dhismaha wadada XARFO-JALAM

War Saxafadeed: 

Puntland Focus Group [PFG] waxay si dhow ula socotaa warbixintii ay soo saartay Safaaradda Jarmalka ee Nairobi, Kenya, taariikhdu markay ahayd 06-09-18.

Warbixintaas ayaa ku saabsan in ay si buuxda uga baxday heshiiskii dhismaha wadada XARFO-JALAM ee ay GIZ kula jirtay Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA), sababo mugdi iyo musuq shaqada la xiriira darteed. Sidaa awgeed,

  1. PFG waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in mashruucii dhismaha wadada XARFO-JALAM ee halbowlaha u ahaa dhaqaalaha iyo isu socodka Puntland iyo Soomaaliba uu musuq-maasuq dartiis u joogsadey. Mashruucaas oo laga soo shaqaynayey in ka badan toban sano ayaa gacanta Madaxweyne Cabdiweli GAAS ku burburay musuq-maasuq darteed.
  2. PFG waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah loola xisaabtamo, sharcigana loo horkeeno ciddii ka damaysay fadeexaddan qaawan ee lagu weeraray tiirarka dhaqaalaha Puntland.
  3. Waxaan Dawladda Jarmalka iyo Hay’adda GIZ ka codsanaynaa inay wixii kaharay lacagtii dhismaha wadada XARFO-JALAM hakiyaan oo aan meel kale loo duwin inta ay dhacayso doorashada Puntland ee January 8, 2019 ee loo helayo hogaan cusub oo saxa khaladka dhacay. Majiro mashruuc uga muhiimsan reer Puntland dhismaha wadada XARFO-JALAM oo lacagtani geli karto.
  4. Waxaan si weyn ugu mahad-celinaynaa Dawladda Jarmalka oo taageero balaaran oo dhinacyo badan taabanaysa siisa Puntland, waxaanna rajaynaynaa inaysan dhacdadaan xumi marna saamayn ku yeelan mashaariicda kale ee socota ama qorshaysan.
  5. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Cabdiweli GAAS iyo xukuumadiisa sii socota “inaysan marna dhaleecayn caalwaa ah” u soo jeedin Dawladda Jarmalka iyo GIZ si looga fogaado waxyeello u timaadda xiriirka iskaashi ee mustaqbalka.

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr Maxamed Salaad Qoryooley

Warar dheeraad ah la xiriir;
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Af-Hayeenka Puntland Focus Group,
Email: [email protected]
Telka Gacanta: (Australia) +61416547736


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.