Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ol’olaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo galay maraxaladi u dambeysay

Muqdish (WDN) Waxaa isa soo taraya musharaxiinta ku dhawaaqaya in ay ka hareen tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana u danbeeyey Danjirihii hore Soomaaliya u fadhiyey Sacuudiga, horena usoo noqdey wasiirka warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle.

Qoraal uu soo saarey Daahir Geelle ayuu ku sheegay inuu ka harey loolanka doorashada madaxweyne ee maalinta berri ah dhici doonta waxa uuna u mahadceliyey xildhibaanada labada aqal iyo taageeriyaashiisa isagoo tilmaamay inuu sii wadi doono qorshayaalkiisa ku aadan ka qeybqaadashada toosinta nidaam dawladnimo Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jira siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed iyo Cabdinaasir Cabdulle Maxamed, oo wararku sheegayaan in ay u ka hareen tartanka, iyaga oo taageeradooda ku biirin doona musharax C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

Saacadaha soo socda ayaa la filaa in musharaxiin kale ay iyaguna ku dhawaaqaan in ay ka hareen doorashada. Waxaana arrimahani kusoo aadayaan xilli saacado kooban ay ka harsantahay doorashada, waxaana socda dhaqaaqyo iyo dadalo xoogan oo amaanka aad loogu sugaayo.

Waxaa dhinaca kale soconaya ol’ole ballaaran oo musharax kasta uu ku doonayo inuu ku hanto codadka xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ayadoo ballanqaadyo iyo heshiisyo hoose la wada galayo oo la xiriira qarashaadka la bixinayo.

Magaalada Muqdisho ayaa laga daraamayaa ol’ole xoog leh oo ay musharaxiintu wadaan, waxaana magaalada soo galay lacago badan, oo dibedda dalka iyo gudahaba ka kala yimid oo la doonayo in lagu hanto codadka  xildhibaanada labada aqal. Lacgtaasi oo lagu soo waramayo in ay qeyb xooggan ku qaadan doonta soo bixista musharaxa, iyada oo ay jiraan arimo kale oo iyana saameyn ku leh sida fikirrka iyo deegaanada ay ka soo jeedaan.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa ololaha ugu xoogga badan wada, ayagoo kulamo la qaatey xildhibaano tiro badan.

Inkasta oo ay adagtahay saadaalinta musharaxa ku guulaysan doona xilka madaxtinimada Soomaaliya, waxaa jira musharaxiinta ugu cad ee la filayo in ay ka gudbaan wareegga 1-aad ayaa la tilmaamayaa in ay yihiin:

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee ka horeysay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Waxaa sidoo kale ka mid ah Xildh. C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Siyaasiyiinta iyo musharaxiinta kasoo horjeeda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa wararku sheegayaan in heshiis hoose ku gaareen in ay u midoobaan sidii markale aanu kusoo bixi laheyn Farmaajo, waxaana ugu cadcad madaxweynayaasha maamulada Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Puntland Saciid Deni iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sherkh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay soo muuqdaan isbahaysiyo iyo isu xulafeysi siyaasadeed xilli guddiga doorashada madaxweynaha ay soo gabagabeeyeen u diyaargarowga doorashada amaanka magaaladana aad loo adkeeyey.

Maxamed Cumar Aaden
Wardheernews,Muqdisho.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.