Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Nugaal: Reer guuraa ay nolol xumo ku hayso tuulada Doonta oo ay ku xayiran yihiin

Sahra Xasan Cabdi iyo carruurteeda oo toddobo ah ayaa ku wajahaya cunno yari iyo hoy xumo deegaanka Doonta ee gobolka Nugaal oo ay barakac ku tageen dabayqaadii bishii Diseembar.

Tuuladan oo miyigeeda ay u roob raaceen ayaa daaq iyo biyo la’aan ay uga dhinteen 80 ari ah bilihii 9 iyo 10 ee sanadkii hore. Waxay la soo gashay deegaanka 20 neef oo iib iyo caano aan lahayn.

Qoyskeeda wuxuu ka mid yahay 150 qoys oo ka kala yimid gobollada Bari, Mudug iyo qaybo ka tirsan Nugaal oo ku hungoobay daaq ay soo raaceen. Waxay awoodi waayeen dhaqaale ay dib ugu laabtaan iyo mid cunno ay ku iibsadaan.

Sahra waxay ka hayaantay tuulada ceel-lahelay ee gobolka Mudug oo halka ay joogto u jirta 170 km. Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in subax walba ay u kalahdo sidii ay dadka deegaanka uga soo heli lahayd cunno ay dabka u saarto carruurteeda.

Waxay xustay in nacfigii xoolaha markii uu meesha ka baxay ay maciin bidday tuulada barakaca ay ku tahay.

“Waxaan ku noqonno oo fiican maba haysano. Gaadiid aan raranana ma haysanno qarash aan baabuur ku kiraysannana maba haysan,”

Aqal cooshad ah oo dhinacyada ka bannaan ayay ka dhistay deegaanka Doonta, kaasi oo ay qorraxda ka galaan maalintii, balse habeenkii dhaxanta ayay u nugul yihiin. Halka ay deggan yihiin waxaa kula sugan qoysas abaarta ku cayroobay iyo qaar xoolo aan badayn wata.

Ka hor inta aysan ka soo barakicin waxay suuqa gaysay ritigii uu reerku raran jiray bishii sagaalaad ee sanadkii hore. Lacagta ay ku iibisay oo ahayd $450 ayay xustay in qoyskeeda ay samata bixisay shantii bil ee la soo dhaafay.

Hayeeshee, tan iyo markii barakaca ay noqotay ayay tilmaamtay in carruurteeda aysan habeenna dharag ku jiifan.

“Dad ma dhargaan ah baan nahay. Wixii xoolaha ah oo gadmi lahaanna horaan uga gadannay,”

Maamulka deegaanka oo biyaha ka taageera ayaa toddobaadkii labo mar biyo dhaamin u sameeya qoyska Sahara iyo kuwa la deggan. Waxay qab ahaan u heshaa 200 liitar oo biyo ah asbuucii.

Biyahan ma soo dhaafaan qoyskeeda, tiiyoo ay jirto in xoolaha u haray ay si joogta ah haraad iyo daaq la’aan ay u dhintaan. Labadii toddobaad ee la soo dhaafay ayay sheegtay in lix neef ay dhinteen.

Dadka duruufta dhaqaale ay yarirtay waxaa ka mid ah Cabdirixmaan dhubad Cabdi. Wuxuu ka dhaxlay hayaanka uu ku yimid Nugaal xoolo yari.

Labo boqol iyo labaatan ari ah oo uu la tagay miyiga tuulada Doonta waxaa uga badbaaday tiro yar oo uusan rajo badan ka qabin in ay sii noolaadaan.

“Waa 25-taas neef oo haddana uu waqtigu iska hayo oo baqbaqtinaya. Markii hadda la dhoho xoolihii haba la raro iyagii ayaa gaarayn. Qarash baabuur lagu saari lahaana ma awoodno,”

Qoyskiisa oo shan qof ah ayaa ka soo hayaamay sanadkii hore deegaanka Qorile ee gobolka Mudug oo tuulada uu joogo u jirta qiyaastii 200 km.

Waxay ku tiirsanayeen nacifaga xoolihiisa oo hadda meesha ka baxay. Wuxuu gocanayaa in nolosha ku haysta tuulada Doonta ay u dhaantay tii deegaankiisa. Wuxuu aaminsan yahay in xoolihiisa badankood ay u badbaadi lahaayeen haddii uusan soo guureen.

Qoyskiisa ayuu sheegay in cunnada ay helaan ay ku xiran tahay sida dadka deegaanku ay u caawiyaan. Mararka qaar ayuu xusay in ay qadaan wax ka badan 24 saac.

Deegaankiisa Qorile oo uu jeclaan lahaa in dib loogu celiyo ayuu markii hore xoolihiisa kaga soo qaaday gaari uu ku kireystay lacag dhan $300. Hadda se awood dhaqaale oo dib u celisa mahaysto.

Rooble Ismaaciil Warsame guddoomiyaha tuulada Doonta ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay ka sameeyeen deegaanka markii ugu horreysay xero barakac oo kumee gaar ah. Waxay ugu talo galeen qoysas guuri waayay iyo dad deegaanka ah oo abaaraha ku xoolo beellay.

“Dadka hoy waxaa u ah baco yar yar oo aan u gaynay oo aan deegaanka Burtinle uga qaadnay iyo meelo yar yar oo ay dhisteen ayaa deegaan u ah,”

Wuxuu sheegay in xoolaha u haray ay sii dabar go’ayaan, maaddama aysan haysan baad iyo biyo ay ku noolaadaan.

Rooble ayaa intaas ku daray in qoysaskan ka maamul ahaan ay dib ugu celin lahaayeen deegaannadii ay ka soo hayaameen, balse aysan hayn awood dhaqaale.

Maamulka Puntland oo ay gaarsiiyeen duruufta qoysaskan ayuu tilmaamay in aysan jawaab ka helin.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.