Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Nugaal: Beeraleyda Burtinle oo wajahaya dhaqaale xumo ka dhalatay dalag ay ku maal gashadeen lacag dayn ah oo daad uu baabi’iyay

by Jibril Osman

kaydka Ergo

Qoyska Cabdi-hodan Maxamuud oo 12 qof ah ayaa wajahaya xaalad cunno xumo oo ay u dheertahay dayn lagu yeeshay, markii daad ku soo rog maday beer uu leeyahay uu baabi’iyay dalag ka baxay 13 bishii May ee sanadkan.

Wuxuu ka mid yahay 350 beeraley ah oo ay qoysaskoodu ka soo kaban la’yihiin dhaqaale la’aan ka dhalatay dalagyada ka qasaaray. Waxay qorshaynayeen in ay goostaan billowga ilaa bartamaha bisha Juun.

Cabdi-hodan oo beertiisu ay tahay hal hiktar waxaa ka baxay noocyada kala duwan ee khudaarta. Sida yaanyada, koostada, barbarooniga, qaraha iyo geed-miroodyo ay ka mid yihiin liin-dhanaanta, babaayga, saytuunka iyo mooska.

Dalagga ka qasaaray ayaa sababay in ay dabka ay shitaan hal waqti 24 saacba. Cunnadan waxaa ku caawiya dad ay ehello yihiin oo deggan Burtinle, kuwaas oo uu ku war galiyay isbaddelka ku yimid noloshiisa.

“xaqiiqda haddaan kuu sheego noloshadayda waxbaa iska beddelay diiniyan, maadiyan iyo nolol ahaan intaba. Dugsiga iyo iskuulkana ilmaha fiigooda ka gala bixi jirnay. Xaqiiqiyan marka ilmihii oo dugsigii laga soo cayriyay iyo annagii oo saddexda waqti oo bini’aadanku wax cunaan wax cuni jirnay, laakiin hadda hal waqti ayaan iskugu soo aruurnay.”

Caruurtiisa oo saddex ah isla markaana dhiganayay fasallada saddexaad iyo afaraad ee dugsiga hoose iyo dhexe ee Burtinle ayaa waxbarashada ka haray bishii hore, markii uu ka bixin waayay lacagta iskuulka ee billaha ah.

Wuxuu markii hore ku dabbari jiray waxbarashadooda dayn ah oo uu ka qaadan jiray ganacsato ay maciil ahaayeen, kuwaas oo uu u ballan qaaday in uu siin doono marka dalaggu u soo go’o.

Hayeeshee, markii ay oggaadeen in tacabkiisii uu qasaaray ayuu xusay in ay ka goosteen dayntii ay siin jireen, Waxay ku leeyihiin $500 oo qayb ka mid ah uu raashin ku qaatay. Lacagaha lagu leeyahay Cabdi intaas kuma eka. Waxaa u dheer $800 oo uu ku maal galiyay beertiisa bishii Maarso ee sanadkan.

Wuxuu rajo wayn ka qabay dalagga ka qasaaray, kaasi oo haddii uu u soo go’i lahaa uu heli lahaa lacag uu daynta iskaga gudo iyo mid uu dhigaalsado.

“Khudaartu lacag badan bay noo lahayd oo nacfi badan baan ku qabnay. Marka shaqaalaha ka bixinno oo shidaalka ka bixinno oo waxyaabo badan oo beertu leedahay aan ka bixinno $3,000 oo wax yar dhiman baa nooga soo bixi jiray. Afartayda reer hilibkooda, bariiskooda, khudaarta beeraan kala soo bixi jirnay iyo waxbarashadooda nolol aad u sarreysa bay ahayd.”

Dalagga beertiisa ayuu ku waraabin jiray ceel-gameed uu biyaha kaga soo jiidayay matoor. Beeralayda deegaankiisa ayaa billaabay habkan, markii ay joogto u heli waayeen biyaha roobka.

Cabdi-hodan oo muddo afar sano ah beeraley ah ayaa xusay in biyo ka soo rogmaday tog u dhow beeraha Burtinle uu dulmaray dalaggii u baxayay.

Cabdicasiis Cilmi Xaaji oo aabbe u ah 10 carruur ah ayaa la mid ah oo la halgalamaya nolol-maalmeedka oo ku adkaaday, markii uu ka qasaaray dalag uu beertay labo bil ka hor.

Tan iyo bartamihii bishan May wuxuu ku tiirsanaa raashin uu ku iibsaday lacag $100 ah oo uu ka helay nin ay ehello yihiin oo ku nool dalka dibaddiisa.

Raashinkan oo ka kooban min halkiis oo bur, bariis iyo sonkor ayuu sheegay in uu beeqaamiyo si uu u isticmaalo inta uu dhaqaale kale helayo. Wuxuu dabka u saaraa carruurtiisa hal waqti oo ka mid ah maalintii.

Dalagga ka qasaaray ayuu naawilayay in uu ka helo ugu yaraan $2,500. Wuxuu iskugu jiray noocayada kala duwan ee khudaarta, digir, galley iyo masago.

Wuxuu sheegay in noloshiisa ay ku soo aruurtay dawarsiga dadka ay is yaqaanaan iyo kuwa ay qaraabada yihiin, markii biyaha ka dhashay roobka ay cuuryaamiyeen wax-soo-saarkii ay yeellan lahayd beertiisa.

“Xitaa shaqaalihii ka shaqeynayay oo lix ahaa waan fasaxay. Annagu dad baan iska shaxshaxaadnaa. Qaar nin baadiyaha deggan wax ka raadsada iyo qaar qaraabada dibadda jira barya hadba si baan wax ku helnaa, laakiin wax beer ka soo baxaya lagu xisaabtami maayo. Waxay kaliftay in dhul aan lahayn in aan xaraashno si ciyaalka uusan iskuulku uga istaagin.”

Dhulka uu iska iibiyay oo cabbirkiisu yahay 20/15 ayuu kala baxay $500. Lacagtan ayuu xusay in ay u gaartahay waxbarashada shan carruur ah oo u dhiganaya iskuulka hoose iyo dhexe ee Burtinle.

Cabdicasiis oo muddo 16 sano ah beeraley ahaa ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in goosashada beertiisa ay ka harsanayd wax ka yar 10 maalin ka hor daadka qaaday. Wax-soo-saarka beertiisa oo khudaar u badnayd ayaa suuq fiican uga helayay magaalooyin ka tirsan Puntlnad.

“Burtinle markii ay ka dheregto ayaan Garoowe iyo Gaalkacyo u diri jiray, sida basbaaska, Barbarooniga, Baamiyaha iyo Yaanyada. Afartaasba Wax tar weyn baan ku qabnay.”

Daadka qaaday dalagga Cabdicasiis saameyn kuma yeelan oo kaliya beeraleyda uu ka mid yahay. Waxaa jira 40 qoys oo uu ka dumiyay guryo u dhisnaa, kuwaas oo bannaan yaal ah sida uu sheegay maamulka dagmada Burtinle.

Dadkaas waxaa ka mid ah Wardi Siciid Ismaaciil oo ah hooyada 8 carruur ah. Waxaa ka dumay guri ka sameysnaa jiingad iyo alxwaax la isku dhisay iyo meherad ay ku iibinaysay raashin iyo bagaash. Waxay sheegtay in ay u barakacday dhul taag ah, halkaas oo ay ku haysato cunno xumo, hoy iyo hu’ la’aan. Waxay tilmaamtay in si lama filaan ah ay biyuhu u harqiyeen gurigii ay daganayd.

“habeennimo ayuu roobku na helay. Kamaanan gaashaaman. Roobkaasi saameyn badan buu noo gaystay. Dad nagalama tagin, laakiin wax noo baxsaday ma jirto. Dad soo barakacay waad garanaysaa oo waxoodii oo dhan biyo kala tageen. Meeshaan joogno waa meel buur ah. Hoy malahan. Dhaxan baa nagu haysa roobkuna dhaxan buu wataa. Waa roob qabow badan. Meel lagu noolaan karo maaha. Aad bay u qabowdahay carruurta yar yar khatar bay ugu jiraan in burikiito gasho.”

Ganacsiga ay biyhu ka qaadeen ayay qiyaastay $600. Waxay ahayd isha kaliya ee nolol-maalmeedka ay uga soo dhicin jirtay qoyskeeda oo danyar ah.

Waxay sheegtay in ku tiirsan tahay raashin aan joogto ahayn oo ay ka soo daymato bakhaarrada ku yaalla Burtinle. Intaas waxay ku dartay in dad barakacay ee ay ka mid tahay inaysan helin gurmad cunno iyo mid hoy aysan.

Sayid Maxamuud Xirsi oo ah guddoomiyaha dagmada Burtinle ayaa Raadiyow Ergo sheegay in ay ku fooggan yihiin sidii ay cunno iyo biyo nadiif ah ugaarsiin la haayeen dadka barakacay iyo kuwa tacabka beerahooda ay qasaareen.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.