Hargeysa, Abriil 18, 2015 (WDN)- Guddoomiyihii Xarrunta Xuquuqul Insaanka ee Somaliland Md. Guuleed Axmed jaamac, ayaa subaxnimadii maanta xabsiga la dhigay sida lagu sheegay qoraal ay soosaartay xarrunta Xuquuqul insaanka ee Somaliland. Qoraalka oo lagu cambaareeyay xadhiga guddoomiyuhu ma caddayn sababta ka dambeysa xadhigiisa inkastoo uu eedda xadhiga dusha ugatuuray guddoomiyaha maxkamdda gobolka Hargeysa oo la sheegay inuu bixiyay amarla lagu xidhay Md. Guuleed Axmed Jaamac.
Sidoo kale ma jiro wax wara ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Somaliland oo lagaga hadlay dhacdadan.
Iyadoo muddooyinkan dambe ay sii badanayeen eeddaha dhinaca xadgudubyada xuquuqul insaanka ee loo jeediyo xukuumadda Somaliland ee uu madaxda ka yahay Md. Axmed Siilaanyo, ayaa Guuleed Axmed Jaamac iyo Xarruntiisu waxay ahaayeen kuwo iyagu mar walba ka hadla xadgudubyadaas.
Inkasoo aanay jirin warar rasmi ah oo ka hadlaya sababta xadhiga Guuleed Axmed jaamac, ayaa haddana tibaaxaha aan helaynaa ay sheegayaan in xadhigiisa lala xidhiidhinayo isagoo dhawaan ka hadlay xukun qisaas ahaa oo lagu fuliyay lix qof oo maxkamadi hore dil ugu xukuntay.
Xukunkan qisaasta ah, ayaa la sheegay in ay dhaleeceeyeen Midawga Yurub iyo hay’adaha xuquuqda dadka u doodda.
WardheerNews
Leave a Reply