Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Nalalka cadceedda oo daboolay baahidii iftiinka guryaha iyo ganacsiyada yar yar ee danyarta Kismaayo

Kayd/Radio Ergo

Geeddow Cismaan Xuseen wuxuu ka mid yahay dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Kismaayo, waana aabbe leh qoys ka kooban toddobo qof, wuxuuna maciishaddooda ka soo saaraa garaash yar oo uu muddooyinkan dambe unkay. Geeddoow oo markii hore shaqayn jiray xilliga maalinnimada ayaa iminka wuxuu helay fursad uu habeenkiina ku shaqeeyo, isagoo ka faa`iideystay nalalka ku shaqeeya iftiinka cadceeddda.

Geeddow wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in qiimo $60 ah uu ku iibsaday solar uu u isticmaalo iftiin keliya, kaasoo uu adeegsado xilliyada fiidka hore, maaddaama uusan iska bixin karin korontada qiimaha sare joogta ah ee magaalada. Wuxuu intaas ku daray markii uu bilaabay isticmaalka tamarqorraxeedka ee solar-ka in uu kordhay dakhliga maalinlaha ee ka soo gala shaqadiisa, wuxuu hagaajin jiray markii hore ilaa saddex gaari, iminkase wuxuu gaarsiiyaa ilaa lix.

“Aniga geerishlaan ahay, maalintii iyo habeenkii dabkiisa aad iyo aad ayuu ii anfacay, habeenkii waliba waan ku shaqaystaa, shaqadii maalintii iga habsaanta habeenkii ayaan ku shaqaystaa” ayuu yiri.

Kow iyo toban dhallinyaro ah oo ka mid ah qaxootigii ka soo noqday Dhadhaab iyo barakacayaasha Kismaayo ayaa xeryaha iyo goobaha dadka danyarta ah ka bilaabay qalabka solar-ka ee qorraxda oo iyagoo qiimo hoosena ka siiynaya  dadka, sida Geeddow oo kale oo hore u isticmaali jiray korontada ayaa kaga raystay markii uu helay solar-ka.

“Maalintii $50 dollar ayaan faa’iido hellaa, carruurtayda waxaan bishii u diraa $250 dollar, awal hore aniga iyo hooyadood waan isku dhagganayn, waxaan u diri jiray $70 dollar.”

Madaxa suuq-geynta iyo iibka ee dhallinyarada maalgelinta loo sameeyey ayaa sheegay in lixdii bilood ee ay shaqaynaayeen ay iibiyeen ilaa 700 solar-ka cadceedda ku shaqeeya, kaasoo ay ka iibiyeen dadka danta yar ee deggan magaalada Kismaayo iyo agagaarkeeda.

Cabdullahi Maxamed Maxamuud oo ah Madaxa suuq-gaynta Jubba Solar ayaa sheegay in isaga iyo kooxdiisa ay arrintaan u noqotay fursad shaqo oo ay maanta ka maareeyaan nolashooda, waxaa uu intaas ku daray in ay u dhisan yihiin qaab shirkad oo kale ah, iyagoo samaystay hawl-qaybin ay ku fuliyaan shaqooyinkooda.

“Qalabka aan iibinno waxaa uu ka kooban yahay, kuwo aradaydu isticamaalaan, kuwo miisaslayda (Ganacsatada yar yar) loogu loogu talagalay iyo dukaamada dhammaan, kuwaas waan wada haynaa,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Dhalinyaradan uu Cabdullahi ka mid yahay ayaa tababarka dhamaystay bishii koowaad ee sannadkan kadibna waxaa maalgeliyay  hay’adda GIZ ee dalka Jarmalka iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland oo markii hore tababarkooda ka dambeeyay, arrintaas ayaa si wayn wax uga tartay baahida itiinka ee qoysaska dantyarta ah, iyagoo ku heli kara qiimo u dhexeeya $70 ilaa $7 oo ku iibiyaan soolarka halka nal oo keliya iftiimin kara. Wax akhriska ardayda ee qoysaska saboolka ah iyo nabadgelyadooda xilliyada habeenkii ah ayuu iftiinku ka caawiyay qoysaskan.

Maxamed Aadan Faarax oo ka mid ah dadkii ka soo labtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Kenya ayaa ka mid ah dadka isticmaalaya solar-ka oo guryahooda gashtay, wuxuuna uga sheekeeyay Raadiyo Ergo faa`iidada uu ku qabo.

“Aniga gurigayga iska daayo iftiinkiisa dariskaa ku adeegta, mobaylladana wuu jaaj gareeya, saddex botton ayuu leeyahay, mid waxaa loogu talagay iftiinkiisa, midna waxaa loogu tala galay markaad seexanaysid, midna waxaa loogu talagalay akhriska,” ayuu yiri.

Guddoomiye ku-xigeenka xaafadda Midnimo oo ay deggan yihiin qaxootiga soo noqday Foos Cabdi Maxamed ayaa Raadiyo Ergo uga sheekeysay sida looga faa`iideystay marshruucan dhallinyarada ee tamarta cadceedda, waxayna tiri, “Anigaan kula hadlaaya haddii ilmaha  maqrib soo tukadaan, waan wada xaroon jirnay oo qof qof u gudbi jiray ma jirto oo guriga kugu dhow haddii wax ka dhacaan waa aadkaan jirtay sida aad ugu baxdo, haddana Ilaahay ayaa mahad leh xilligaan doonno ayaan soconnaa.”


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.