Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Muuday oo Xildhibaannada ugu baaqay kulan berri ka dhici doona xarunta Golaha Shacabka iyo xog kale

Cabdiweli Muuday

Muqdisho, iyadoo waanwaan aan weli wax xal ah lagu gaadhin u socotay dhinacyada iska soo horjeeda ee xildhibaanada Golaha shacabka ayaa lagu soo warramayaa in guddoomiye ku xigeenka 1aad ee goluhu uu berri oo Isniin ah isugu yeedhay xildhaabannada baarlamaanka si ay uga doodaan mooshin xilka laga qaadayo guddoomiyaha golahaas Md. Maxamed Sh.Cusmaan Jawaar.

Inkastoo labada dhinac ee khilaafku ka dhex aloosanyahay ay isku waafaqsanyihiin cod u qaadista mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari ayaa haddana waxay isla meel dhigi la’yihiin qaabka codaynta, waqtiga iyo goobta uu shirka lagu qabanayo.

Guddoomiye Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo isagu magacaabay guddi dhinaciisa matala si xal looga gaadho arrimaha muranku ka taaganyahay ayaan iyagu weli wax war ah ka soo saarin kulanka uu ku baaqay gudoomliye ku xigeenka 1aad ee golaha shaacabku Md. Cabdiweli Muuday.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in ay kulan wada qaateen maanta guddoomiye Jawaari iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo aan la shaacin wax natiijo ah oo ka soo baxday kulankaas.

Xldhibaanada Mooshinka ka keenay guddoomiye Jawaari ayaa ah kuwo laga soo abaabulo dhanka Villa Soomaaliya.

Haddaba xog ay WardheerNews ka heshay ilo ku dhow Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacaka Md. Cabdiweli Ibraahim Sh. Muudey, ayaa sheegaya in khilaafka iyo isqabqabsiga ka dhexeeya Golaha Shacabka iyo Xukuumadda,  ee u eeg in uu Md. Muudey uu hormuud ka yahay qeybta Xukuumadda taabacsan (Villa Somalia), aanay waxba ka jirin.

Wararkaasi ayaa waxay intaas ku darayaan in Md. Muudey la adeeegsanayo, oo aanu xogxogaal u ahayn qorshaha fog ee laga soo abaabulo Villa Soomaaliya, balse laga saxeexo wareegtooyinka la sheego in ay xafiiskiisa ka soo baxaan.

Ilo wareedyadaasi ayaa sheegaya in Md. Muudey uusan wax badan kala socon qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan in gacanta lagu dhigo dhammaan waaxyaha Dowladda (branches of government) iyo Dowlad Goboleedyada, balse taageeradiisu ku kooban tahay mid reernimo oo ay wadaagan Fahad Yaasiin.

Xogta ay WDN heshay ayaa sheegaysa in Agaasimaha Madaxtooyada  Md. Fahad Yaasiin, Xil. Mustafa Dhuxulow iyo dad kaleeto oo ku xiririsan Xafiiska Agaasimaha Madaxtooyada iyo Ra’iisal Wasaaraha, ay si toos ah mas’uul uga yihiin qorshaha iyo weererrada Xukuumaddu ay waddo ee xukunka lagaga tuurayo Guddoomiye Jawaari.

Madaxweye farmaajo  oo dhaliilo badan loogu soo jeediyo in aanu kaalintii ku habboonayd ka qaadan xal u helidda khilaafka ragaadiyay golaha shacabka, ayaa isna lagu warramayaa  in la adeegsanayo, oo uu ka dhac sanyahay qorshaha dhabta ah ee uu horseedka ka yahay Agaasime Fahad Yaasiin.

Xaalku si kastaba ha ahaadee waxaan shaki ku jirin in khilaafkani uu ragaadiayay guud ahaanba hawlihii qaranka, sumcad xumo weynna uu u soo jiiday mas’uuliyiinta hoggaanka sare ee dawladda siiba madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku fashilmay kaalintiisii hoggamineed ee furdaaminta khilaafyada noocan ah.

WardheerNews, Muqdisho.

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.