Muqdishu (WDN)- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dhegeystay musharaxiinta u tartamaya xilalka kala duwan ee Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore, ayaa sheegay in golaha ay u soo bandhigi doonaan musharixiintu, qorshaha iyo waxqabadka laga filayo.
Sida lagu sheegay war saxafadeed dhawaan ka soo baxay Guddiga qaban qaabada doorashada Gudddoonka Baarlamaanka, afar musharax ayaa u tartameysa xilka guddoomiyaha, halka xilka ku xigeenka koowaad ay u tartamayaan lix musharax, ka labaadna 12 musharax.
Musharaxiinta maanta hor yimid Baarlamaanka waxaa ka mid ahaa: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey), Cabdirashiid Maxamed iyo Idiris Cabdi Takhtar.
Ammaanka magaalada Muqdishu ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo la xiray waddooyinka ku dhow dhow degaaanka Baarlamaanka.
Wali ma cadda murashaxa la filayo in uu ku guuleysto xilka gudoomiyaha, inkasta oo la filayo in Jawaari mar kale soo noqdo.
Waxa la filayaa in la doorto Guddoonka Baarlamaanka bishan 11 iyo 12.
WardheerNews
Leave a Reply