Musharax Maxamed Cabdirisaaq oo la kulmay Jaaliyaddaha Washington iyo Minneapolis

W/q Samakaab Xuseen

Musharax Maxamed Cabdirisaaq oo u tartamaya jagadda madaxtinimadda Soomaaliya  ee lagu waddo in ay ka dhacdo bishan Ogost ee sanadkan 2016,  ayaa la kulmay jaaliyadda soomaaliyeed ee deggan Washington DC, Maryland  iyo Virginia  ee dalka Maraykanka. Md. Maxamed waxa kale oo uu la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magalaalada Minneapolis, halkaasi oo si wacan loogu soo dhaweeyay

Mohamed Abdirizak AbubakarMudane Maxamed ayaa ka hadlay marxaladihiii uu dalku soo maray iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in xilka loo doorto musharrax khibrad  leh, daacad ah, dadka isku keeni kara, khilaafkana ka dhex saari kara. Waxa kale oo uu tilmaamay in haddii uu ku guuleysto jagadda uu samayn doono qorshe ciidan oo tayo leh, lana dagalaami doono musuqmaasuqa.

Mudane Maxamed Cabdirisaaq ayaa warbixin kooban ka siiyay jaaliydda waxyaabihii uu kala kulmay safarradii uu ku soo kala maray meelo kala duwan oo soomaaliya gudaheeda ah iyo sidii loogu soo dhoweeyey, dadyowgii uu kula soo kulmay goobihii uu socdaalka ku soo maray, waxayna u rajeeyeen in uu noqdo mid xaaladda dalka uu ku jiro wax ka bedella.

Samakaab Xuseen