W.T. Cabdiraxmaan Maxamuud Yuusuf ( Xiiray )
Gabaygan la magacbaxay Murugo wuxuu soo baxay 17/04/2016, waxaanu ka hadlayaa masiibadii badda ku heleeshay dhalinyarada tirada badan ee Soomaaliyeed iyo sida aanay u muuqan cid wax ka qabanaysa dhibaatada tahriibka oo sannad walba Soomaali badani naftooda ku waayaan.
1. Musiibada adduun way dhacdaa maalin iyo layle
2. Muragada hayeeshee waxaan maanta ula ooyay
3. Een marada sida roob ilmada maandhow ugu qooyay
4. Ama muusanowga u cuskaday midhaha suugaanta
5. Ummad uu masiirkoodu lumay meelna wax u oollin
6. Oon mas’uuliyiinteeda iyo maamul hananaynin
7. Shacabkiina mudutuul noqdeen moogan danahooda
8. Oon cidina meel ugu maqnayn muumin iyo gaalba
9. Oon muhindisayn baynu nahay maare nololeede
10. Mooraalka daalani xaquu mahadin doonaaye
11. Allahayow miciinkooda noqo magaca Soomaali
12. Afartaa dad meeshooda gabay muqadinkoodii dhe
13. Afarkalena muudsada qadhaadh baan idiin marine
14. Musiibada tahriibtani waxay marisay qoomkeene
15. Ubaxa iyo maatida go’diyo maydka tiro beelay
16. Magafuhu markuu waxay siteen maalka ka idleystay
17. Inta doonyo mood wada noqdoo daalay lagu miisay
18. Ee badaha moolkooda wayn lagu muquursiiyay
19. Ee mowjadduhu ku halligeen malagu soo riixay
20. Geerida markay wada dhinteen tiro yar mooyaane
21. Inta gabadh muraayada baxdiyo geesi laga maago
22. Maydkiina cidi raadinayn sida mayeedhaanka
23. Markay maqasho hooyada iyana halis muquuraysa
24. Ama aabbo mooraal jabiyo maxastu ooyayso
25. Een cidina maaraynahayn maanta kuwa jooga
26. Murigiyo naxdini way jirtaa maanka dhibaysaaye
27. Malaayiin horaa laga sabroo maray dariiqaase
28. Muslimnimo allahayow intuu mowdku ku haleelay
29. MIdhihii Firdawsiyo Jannada geli maqaamkeeda
30. Ehelkana rabbow samir mug wayn kaga sug maankooda
Aamiin
W.T. Cabdiraxmaan Maxamuud Yuusuf ( Xiiray )
EMAil; cabdiraxmaanxiiray1@gmail.com
Leave a Reply